XOG-URURIN MUUJISAY 11-KA LAACIB EE PREMIER LEAGUE UGU FIICAN XILLI-CIYAAREEDKII DHAMMAADAY

Xog-urur laga qaaday in ka badan 12,000 ka kala tirsan taageerayaasha kooxaha Premier League oo ku saabsan kooxda io tababaraha ugu fiican horyaalka Ingiriiska, ayaa natiijadii ka soo baxday la shaaciyay.

Taageerayaashu waxay tababaraha ugu fiican u doorteen Brendan Rodgers oo Liverpool u suurto-geliyay in horyaalka faro cididood laga qaado, isla markaana galaan kaalinta labaad ee kala sarraynta kooxaha.

Liiska laacibiinta taageerayaashu doorteen waxa ugu badan Arsenal oo 4 ciyaartoy kaga jiraan, balse waxa xusid mudan in aannu hal ciyaartoyg kaga jirin naadiga horyaalka ku guulaystay ee Man City. Waa kan 11-ka laacib ee taageerayaashu doorteen.

Wojciech Szczesny (Arsenal); Seamus Coleman (Everton), John Terry (Chelsea), Laurent Koscielny (Arsenal), Leighton Baines (Everton); Aaron Ramsey (Arsenal), Steven Gerrard (Liverpool), Jordan Henderson (Liverpool), Mesut Özil (Arsenal); Luis Suárez (Liverpool) & Olivier Giroud (Arsenal).

kooxda sannadka ee Premier league