Daraasad La Sameeyay oo Lagu Ogaaday Dumarka Ta Ugu Nasiibka Badan

(Qubanahaberberanews)Daraasadan lagu sameeyey haweenka laguna kala ogaaday in eey ku kala nasiib badan yahiin bilaha eey dhashaan ayaa waxuu ka careysiiyey qeyb ka mid ah dumarkii ka qeyb galay jawaabtii khubarada samaysay baadhitaankan.Marka aqristoow adigu sideey kula tahay adigoo fikradaada ka dhiibanaya.

womans-300x207

Haweenayda Dhalata bisha January :-Waa haweenay qorshe badan , anshax wanaagsan , hasayeeshee waxay u janjeedhaa dhanka murugada.

Haweenayda Dhalata bisha February :-Waa haweenay Qalbi debacsan, waana xaas la jecel yahay iyo hooyo naxariis badan

Haweenayda Dhalata bisha March :-Waa haweenay wareersan , hadal badan , waxayna u janjeedhaa muran iyo dood

Haweenayda Dhalata bisha April :-Waa haweenay isbedel badan, khibradeedu ay yar tahay, hasayeeshee aad u qurux badan

Haweenayda Dhalata bisha May :-Waa haweenay aad u qurux badan , la jecel yahay, nasiib wanaagsana leh

Haweenayda Dhalata bisha June :-Waa haweenay dabeecad xun, xanaaq badan, kaftankeeduna badan yahay

Haweenayda Dhalata bisha July :-Waa haweenay quruxdeedu ay tahay heer dhexe, waji adag leh, dabeecad xun

Haweenayda Dhalata bisha August :-Waa haweenay madadaalo badan , waxaana inta badan guursada nin hanti leh

Haweenayda Dhalata bisha September :-Waa haweenay caqli badan, farxad badan. waa haweenay leh soo jiidasho dabiici ah

Haweenayda Dhalata bisha October :-Waa haweenay qurux badan, la duleeyay, nasiib xuna leh

Haweenayda Dhalata bisha November :-Waa haweenay fadli badan, aad u debacsan, nasiibkeeduna wanaagsan yahay

Haweenayda Dhalata bisha December :-Waa haweenay qurux badan, caqli badan, farxad badan, ku takri-falideeda hantiduna tahay mid xad dhaaf ah, waxayna u janjeedhaa nin walba oo nolosheeda ku cusub.

Diyaariye:C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

berberanews.com