Didier Drogba iyo Eboue oo wajahaya ganaax kaga yimaada Xidhiidhka Kubada Cagta Turkiga – Sababta?

Ciyaaro-(Berberanews)-Didier Drogba iyo Emmanuel Eboue ayaa ganaax kala kulmi doona xidhiidhka kubada cagta Turkiga kaddib markii ay la soo baxeen oo ay soo bandhigeen garamo ay ku qoran yihiin Nelson Mandela.

madiba

Labada xidig ee reer Ivory Coast ayaa falkaasi ku muujinayay fariintooda tacsiyeenta ah oo ay u dirayeen dadka Afrika kadib markii ay dhamaatay ciyaartii ay Galatasaray la dheeshay Elazigspor Jimcihii.

 

Halyaygii hore ee Chelsea Drogba ayaa la soo baxay garankiisa uu ku qoranaa “Mahadsanid Madiba” halka daaficii hore ee Arsenal Eboue uu la soo baxay garan ay ku qorantahay “Nabad ku waar Nelson Mandela’.

 

 Xiriirka Turkiga ee TFF ayaa sheegay in falkan uu muujinayo in siyaasad la soo dhexgalinayo kubada cagta laakiin go’aanka waxaa canbaareeyay wasiirka ciyaaraha Suat Kilic, kaasi oo sidoo kale ka digay in markale falkan uu dhaco.

 

Dhawaan ayay aheyd markii la ganaaxay ciyaartoy Masaari ah markii uu ku dabaal dagay Astaan lagu yaqaano Madaxweynihii dalkaasi xukunkiisa laga riday ee Max’ed Mursi.

 

Emre Belozoglu xidigii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Newcastle hadana u dheelay kooxda Fenerbahce ayaa kamid ah dadka falkan sameeyay.