Arsenal oo dooneysa bisha January saxeexa xidigii hore ee Manchester United

Ciyaaro-(Berberanews)-Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku fakaraya sidii uu ku soo heli lahaa saxeexa xidiga Dimitar Berbato marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoy bisha January.

Wenger ayaa ogolaaday in uu la soo wareego dhaliye cusub si uu u xoojiyo rajada Arsenal ee ku guuleysiga Premier League iyo Champions League qeybta danbe ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin Wenger ayaa ka wal-walsan in lacag badan uu bixiyo Janaayo sidaasi darteed waxa uu u baahan yahay in uu la soo wareego Berbatov oo kale.

Inkastoo 32 jirkan reer Bulgaria ay ka jiifto xilli ciyaareedkan oo uu dhaliyay kaliya hal gool Premier League, hada Arsenal ayaa wali la dhacsan qaabkiisa waxana ay u baahan tahay in ay soo hesho Janaayo.article-2519952-19F1AEF800000578-437_964x386

Tababaraha kooxda Fulham Rene Meulentsteen ayaa sheegay in uusan fasixi doonin Berbatov, laakiin Arsenal ayaa xiriir la sameysay wakiilka xidigan reer Bulgaria.