Weli Maskax Ma lagu dayey Waxbarashada Dugsiyada sare ee Somlailand?

10-June-2012-(Berberanews)-Tartanka Waxbarashada ee aduunka ka dhexeeya waa mid joogta ah oo kolba tiknoolaji cusub la talaabsanaya meel uu wadan walba dhigaba.Taasi waxay ku tuseysaa in mar walba dawlad kasta oo maamulka u qabata Ummadeeda in ay mudnaanta koowaad siiso dhisida iyo kor u qaadida nidaamka waxbarasho ee markaa wadanka ka jira si tartanka aqooneed ee markaa aduunka ka jira loola jaanqaado.

Waxaa cad oo khubaro badani ka dhawaajijeen oo ay isku raaceen in kolba heerka Waxbarasho ee ay busho waliba ka taagan tahay xaga aqoonta ay ku xidhan tahay horumarka ay bulshadasi gaadhey ama higsan karto, taasi waxay waajib kaga dhigeysaa maamul walba oo xil ummad u haya in ay ahmiyad weyn saarto Waxbarashada ummadda ay ka masuulka tahay si ay umaddaasi u gaadho himilooyinka ay higsaneyso mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Noocyada Waxbarasho ee dawladi u qorsheyso ummadeeda iyo ubadkeeda waa in ay noqotaa mid mar walba ka jawaabeysa baahiyaha ku xeeran bulshada wadankeeda mar walba waqtiga la joogo. waa in Waxbarshadu ahaa taa mar walba iyo waqti kasta mid lagu sargooyey habnololeedka caadiga ah ee bulshadeeda. waa in waxbarashadu ahaataa mid sifaheeda leh  dhaqanka wanaagsan iyo diinta islamka, waa in ay ahaataa mid ku saleysan kolba habka wax soo saarka ee wadankaa ka jira. waa in ay ahaataa mid loo dejiyey habkii loo heli lahaa ( human resources) shaqaale aqoon leh oo dalka iyo dadka u adeega. waa in aaney noqon mid mala awaal ah oo u qorsheysan wadan kale ama ummad kale.
Waxbarashadu waa hagaha ummadda waxay hagaajisaa ayaaha wadanka iyo dadka ku nool, Waxbarashadu waxay doorweyn ka ciyartaa nolosha qofka , taas oo ka dhigeysa in qofba qofka uu ka Waxbarasho wanaagsanyahay ka nolol wanaagsan yahay caalamka. Waxbarashadu waxay qofka u fududeysaa in uu si sahlan u fahmo uguna noolaado, ugana faai’deysto degaanada ku xeeran ee isla bedelaya waqtiyada kala duwan.
Sida aad la socotaan waxaa aduunka loo qaybiyey laba qaybood Dawlado  wax qabsadey oo Hore u marey iyo dawlado lagu magacaabo dunida sedexaad oo aan weli horumar la taaban karo aan gaadhin. waxaa arintan aduunka kala qaybisey sabab u ah Waxbarashada oo qolana hore umarisey qolana hoos u dhigtey.
Waxbarashadu waxay keenta horumarka dhinaca maskaxda ah taas oo maskaxduna  tahay wadaha ama hagaha  qofka bini’aadamka ah nolosha u jihaysa.
Hadaan dib ugu soo Noqdo Waxabarashada Somaliland oo hada mareysa meel aad u wanaagsan waxay u badan tahay mid guud oo aan ardeyga ku jaheyneyn shaqo ama aan u suurto gelineyn in uu farsamo u bilaabneyd uu isku qaado oo faraha la galo si ay shaqo ugu suurto gasho. hadaba waxaa cad oo qof waliba uu garawsanayaa  in ay Waxbarashda dhexe iyo sare ee Somaliland ay u baahan tahay Manhaj farsamo oo isu dheeli tiran.waxay u baahan
tahay in si deg-beg ah loo toos toosiyo oo loo hagaajiyo manhajyadooda.
Tusaale ahaan waxaa Somaliland lagu qiyaasaa in ay ku yaalaan ila iyo 78 Dugsiyo sare ah, kuwaas oo ay sanadwalba ay galaan  ilaa 20,000 oo ardey.  waxaana sanad walba Dugsiyada Sare dhameysta ardey gaadheysa ilaa 5000 oo ardey oo bilaa xirfad ah ,waxaa tirada intaa leegi ka baxeysey ilaa iyo 12kii sanadood ee u danbeysey taas oo marka la isku dhufto ku siineysa 60,000 oo ardey oo bilaa xirfad ahi in ay ka baxeen Dugsiyada sare ee Somaliland, 12kii sanadood ee u danbeysey.kuwaas oo hada suuqyada Magaalooyinka Somaliland Bilaa camal lawada taag-taagan qaarbadanina ay naawilayaan sidii ay naftooda macaan ay tahriib ugu biimeyn lahaayeen. waxaa sanad walba  nasiib u hela in ay galaan 16 Jaamacadood ee Somaliland ku yaala ilaa iyo 15,000 oo ardey. taas oo ayaga qudhoodu ay shaqo la’aani ragaadiso marka ay dhameeyaan Jaamacadaha.
Hadaba Su’aasha is weydiinta lehi waxaa weeye, Waa maxay sababta shaqala’aanta badani u saameysey ardeyda Dhameysata Dugsiyada iyo Jaamacadaha somaliland?  Jawaabta Su’aashaa oo Gaabani waxay noqoneysaa sidan:
Marka Hore Dawlada Somaliland oo aan Mashaariic shaqo abuuris ah ugu talo gelin ardeyda qalin jabisa.
Ta labaadna waa ardeydii oo aan lahayn ama wadanin xirfado ay isku shaqo geliyaan ama shaqo ku abuuran karaa. Waayo sidaad wada ogtihiin  waxaa meesha ka maqan oo aan haba yaraatee aan jirin Somaliland Collegeyo ama Dugsiyo lagu barto  farsamada gacanta ama maadooyin gaar ah oo takhasus gaar ah wata oo taabo gal  ah oo la timaami karo . Sidaa daraadeed waxaan u soo jeedinaya Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland talooyinkan hoose:
      Talooyin ku jeeda Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.
1– Waa in Wasaaradu la timaadaa Manhaj Mideysan oo lagu baranayo Cilmiga Farsamada Gacanta.
2– Waa in ay Wasaaradu qorshaha 5 ta sanadood ee soo socda ku darsataa in ay 78 Dugsi  ee sare ee Somaliland ku yaala 10 ka mida ah ay u bedesho iskuulo farsamada gacanta lagu barto, tani waxay noqoneysaa qorshaha u jaban ee lagu abuuri karo iskuulo lagu Barto Farsamada Gacanta,
3– Waa in Farsamada iskuuladaa lagu baranayo lagu daraa:
a) Barashda korontada Solar systemka, b) Barashada Biyo Gelinta, korontada iyo electaroniga c) Barashada  Farshaxanka iyo qurxinta guryaha  iyo dhismaha guryaha d) Barashada Ciladbixinta Telephonada iyo mobilada oo hada wadanka ku badan.E) Barashada  xisaabaadka iyo maareynta.
4- Waa in gudiyadii loo magacaabey Tacliinta Sare ay maskaxda ka shaqeysiiyaan oo ay la yimaadaan fikrado farsameysan oo lagu shaqo gelinayo ama xirfado loogu abuurayo ardeyda tirada badan ee sanad walba ka soo baxeysa dugsiyada faraha badan ee Somaliland ama Jaamacadaha Somaliland.
5- Maadama uu Madaxweynaha Somaliland uu ku cadeeyey warbixintiisii sanadlaha aheyd in la bilaabi doono mashruucii ( National serviceka ama Gurmadka Qaranka) Waa in Wasaaradu dar-dar gelisaa sidii ardeyda Dugsiyada Sare dhameysa sanadkan soo socda sidii loogu jaheyn lahaa ( National Services ama Gurmadka qaranka )  iyadoo ardeyda loo qeybinayo laba qeybood.
a) Qaybta koowaad ee ku baasta  imtixaan Shahaadiga ah ilaa 80% in ay mudo  sanad ah macalimiin ka noqdaan dugsiyada Dawlada. kuwaas oo buuxinaya baahidii loo qabey macalin la’aanta. suurto galna ka dhigeysa in qaar ka mid ahi ay shaqada halkaa ka sii wadaan.
Qaybta Labaad ee ku baasta imtixaanka Shahaadiga ah wixii ka hooseeya 80% in ay noqdaan mudo sanad ah Ciidanka Qaranka Somaliland. si ay u helaan waayo aragnimo buuxda oo ku saabsan aqoonta iyo xirfadaha ciidamada kala duwan una buuxiyaa numberka guud ee ciidamada keydka qaranka Somaliland.
5) Waa in ay Wasaaradu Qorshaheeda dhow ku darsataa Sidii loo abuuri laha Dugsiyo Academy ah sida dugsiga  lagu barto cilmiga bileyska ( Police academy)
a) Dugsi ay ka soo baxaan Saraakiisha Ciidanka Asluubta. b) Dugsiyo lagu barto cilmiga beeraha. . C) Dugsi ay ka soo baxaan aqoonyahano ku takhasusey xisaabaadka iyo maareynta.E) Dugsi lagu barto sports ka kala duwan oo ay ka soo baxaan tababarayaal ama macalimiin  sportiga ah. IWM.
6) Waa in ardeyda Jaamacadaha ka qalin jebiya loo furaa Siminaaro Gaa-gaaban oo ay ku shaqo tagaan iyada oo lala kaashanayo Hayadaha Caalamiga ah.
7)– Waa in laga Faa’ideystaa  dhalinyarada ka qalin jebiyey jaamacadaha Somalilnad ee Shaqo la’aantu hayso ,loona tababaraa in ay macalimiin noqdaan. ama ay Voluntary ahaan ugu shaqeeyaan wasaaradaha iyo hayadaha dawlada ,Laguna dhiiri gelyaa in ay Iskaa- wax u qabso ku shaqeeyaan inta Mushahar loo helayo.
                  Wixii aan saxay Eebe ayaa igaran siiyey , wixii aan khaldeyna sheydaan baa leh,
                                            Allaha weynbaa Mahad iyo Mudnaanba mudan.
Waa Billahi Towfiiq,
A/rahman  fidhinle
Intensive Education Personal Advisor
United Kingdom
London