Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Qalabaysan Oo Shirkadda Telesom Ka Fulisay Jaamacadda Burco

Burco-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray dhisme weyn oo qalabaysan oo shirkadda Telesom ka hirgalisay Jaamacadda Burco.
Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhismaha hoolka barashadda culuunta kombuyuutarada waxaan hadal kooban ka soo jeediyey maamula shirkadda Telesom Burco muddane Maxamud Xaaji Ibraahim, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa, “Muddane Madaxweyne shirkadda Telesom waxay qayb ka tahay dhismaha iyo horumarka dalka, anigoo ku hadlaaya magaca maamulka  Telesom ee guud, waxaan hoolkan ICT-ga ee aanu u dhisnay jaamacada Burco aanu kugu sharfaynaa in aad xadhiga nooga jarto”.
Hoolkan shirkadda Telesom u dhistay Jaamacadda Burco ayaa waxay shirkadda Telesom ku qalabaysay tiknoolajiyaddii u dambaysay nidaamka ee ruutarka CISCO oo ah mid awood badan oo shirkadda Telesom lacag qaali ah ka soo bixisay uguna talo-gashay bulshadeeda danaynaysa barashadda culuumta koombuutarka.
madaxweynaha3
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii balaadhnaa ee ka koobnaa golaha wasiiradda, golaha baarlamaanka, golaha guurtida, labada Taliye Ciidan qaran ayaa gudaha u soo galay hoolka culuumta koombuutarka ee shiradda Telesom ka hirgalisay Jaamacadda Burco, waxaanu maamulaha xarunta Telesom ee Burco uu sharaxaad ka siiyey madaxweynaha iyo weftigiisa qalabka ay shirkadda Telesom dhigtay hoolka Jaamacadda.
madaxweynaha2
Gudoomiyaha Jaamacadda Burco muddane Prof. Saleebaan Diri ayaa shirkadda Telesom ku tilmaamay in shirkadda Telesom ay kaalinta koowaad ka gashay shirkaddaha iyo hay’addaha taakuleeyaa jaamacadda Burco, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Shirkadda Telesom waxay kaalinta koowaad ka gashay shirkaddaha caawiya jaamacadda camuud, markii aanu qiimaynay shirkadihii gacanta u fidiyey jaaamacada Burco, shirkadda Telesom waxay ku soo baxday kaalinta koowaad…..
madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku maamuusay shahaado sharaf ay Jaamacadda Burco ugu talo gashay shirkadda Telesom, waxaana u gudoomay shirkadda maamulaha xarunta Telesom ee Burco muddane Maxamud Xaaji Ibraahim.
IMG_1472
Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale Jaamacada Burco ka samaysay jardiinooyin lagu nasto kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 10 jardiino oo midkiiba qaadi karo ilaa 6 qof. Ardayda Jaamacada Burco ayaa si weyn ugu nastay fadhiyadan waxaanay sawiro qurux badan ku galeen goobihii ay shirkadda Telesom ka samaysay jardiinooyinkan. Shirkaddan Telesom ayaa taageero hiil iyo hooba la garab taagan Jaamacadaha dalka iyo goobaha danta guud ee horumarka dalka lagama maarmaanka u ah sida dhismayaasha jaamacadaha, wadooyinka, cusbitaalada iyo adeegyada guud ee arimaha bulshadda.
IMG_1456 IMG_1440 IMG_1436 IMG_1435 IMG_1430 IMG_1418 IMG_1416 IMG_1409 gudoomiyaha-jaamacad