Hadaad doonayso in ubadkaagu waxbarashada ku fiicnaado maxaad samayn lahayd?

Cilmi-badhis cusub oo khubaro Ingiriis ah soo saareen, ayaa soo jeedisay in waalidku haddii uu doonaayo in ubadkiisu waxbarashada ku fiicnaado uu cuntada cashada meel ugu wada diyaariyo qoyska dhammaantii.

Daraasaddan oo cabsi  ka muujisay waqtigan isticmaalka tiknoolajigu kor u kacay oo keenay in waalidka iyo ubadku kala mashquula waxay culimada cilmi-nafsiga ku takhasustay sheegeen in ay cilmi-baadhistooda ku tijaabiyeen carruur da’doodu u dhaxayso 6 jir ila 11 jir, kuwaasoo dugsiga waxbarashada aad  ugu fiican, bulshadana aad ugu naxariis badan, dhibaatadooduna yar tahay, waxaanay ogaadeen in ubadkaas waalidkoodu u fududeeyo in qoysku meel cuntada ku wada  cuno, gaar ahaan waqtiyada habeenkii ee cashada la cunaayo.

carruurta lala casheeyo

 

Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in waalidku tallaabadaas uu ku kaco toddobaadkii afar jeer, haddii kale aanay faa’iido yeelanayn waxa intaas ka yar, iyagoo tilmaamay in wax ka yar 30% qoysaska Ingiriiska in ay meel ku wada cunteeyaan habeenkii.

Xog-ururin la qaaday sannadkii 2012 oo shacabka Ingiriiska laga qaday waxay sheegtay in qoyska waalidku wada shaqeeyo ee aan fursada u helin in ubadkoodu meel ku wada cunteeyaan ay dhibaato xagga waxbarashada ah  la  soo daristo carruurta  yar yar.

Natiijada cilmi-baadhistan oo lagu daabacay jariirada la yidhaa Family Psychology waxa  lagu sheegay in  qoyska sida joogtada cuntada meel ugu wwadacuna in ubadkoodu noqdaan qaar waxbarashada ku wanaagsan, maskax ahaana dhisan, marka  loo eego kuwa aan fursadaas helin.

Sidoo kale, in qoysku meel ku wada cunteeya waxay hoos u dhigta in ubadku noqdaan qaar dhaqan xumo la yimaada, taasoo ay ka hor joogsato waalidka oo ka war haya xaalada ilmahiisu ku sugan yahay