Goolhaye Jose Manuel Pinto Oo Oggolaaday In Uu La Sii Joogo Kooxda Barcelona Illaa 2013.

(Berberanews Sports):- Goolhaye Pinto ayaa oggolaaday in muddo sanad kale ah uu la sii joogo kooxda haysata horyaalka La Ligaha iyo kan Championka ee Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu soo daabacday shabakadeeda warbaahinta in goolhaye Jose Manuel Pinto uu saxeexay heshiis muddo hal sano ah uu kula sii joogayo kooxda.

Goolhayahan 36jirka ah ayaa lix bilood oo kaliya ay ugaga hadhsanayd heshiiskii hore ee uu kula joogay Barca, waxana uu hadda oggolaaday in loo sii dheereeyo wakhtiga uu kooxda ka siimid ahaanayo lana gaadhsiiyo illaa bisha June 2013.
Goolhaye Pinto ayaa ku soo biirey  Camp Nou bishii January 2008 isagoo si amaah ah loogaga soo qaatay kooxda Celta kadib markii uu jilibka ka dhaawacmay goolhayihii hore ee Albert Jorquera hase yeeshee afar bilood kadib ayuu noqday ciyaaryahan si rasmi ah kooxda ugaga mid ah. 
Pinto ayaa u ahaa kaaliye Victor Valdes waxana uu badanaa safan jirey koobka Del Rey. Pinto ayaa saftay labadii lugood ee ay 10-0 aggregate ay ugaga badisey naadiga Hospitalet tartanka Copa del Rey.
Kulankii ugu horeeyey ee uu u safto Pinto kooxda Barcelona waxa uu ahaa mid dhex maray labada naadi ee Barca iyo Deportivo La Coruna 26 April 2008 waxaana 2-0 loogaga badiyey kooxda Barca. Haddaba kulankii xigey ee uu saftay  ayaa Barcelona loogaga badiyey 3-2 iyadoo ay ka badisey naadiga RCD Mallorca.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports