Wefti ka socda Shirkad sameynaysa Idaacadda cusub ee Radio Hargeysa oo dalka yimi

Hargeysa-(Berberanews)- Wafti isugu jira Masuuliyiin iyo Injineerro ka socda Shirkad samaynaysa Idaacadda cusub ee Radio Hargeysa oo la sheegay inay dalka laga wada dhagaysan doono ayaa shalay soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigaas, waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera kaga hortagay, isla markaana halkaa ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasoo kala  ahaa Agaasimaha Farsamada ee Wasaraadda Warfaafinta, Agaasimaha Qorsheynta  ee Wasaradda  iyo Ku-simaha Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeisa ahna Isu-duwaha Barnaamijyada Radio Hargeisa.

Waxa iyaguna ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Shirkadda Waddaniga ah ee BROTHERS oo ah shirkaddii ku guuleysatay Qandaraaskii keenista Idaacadda cusub ee Radio Hargeisa oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Shirkaddaasi Jimcaale Muxumed Faarax. Agaasimaha Farsamada ee Wasaaradda Warfaafinta Ing Axmed Saleebaan–weyne oo kula hadlayey Warbaahinta qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Berbera ayaa tilmaamay in iyadoo Wasaaradda Warfaafintu fulinaysa ballan-qaadkii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hore ugu ballan-qaaday in Idaacad cusub ay Xukuumaddu keeni doonto dalka, sidaasi darteed  ay masuuliyiinta Wasaaraddu derder-galiyeen sidii loo hirgalin lahaa keenista Idaacadda cusub, waxaanu sharaxay ujeeddada saddexda Sarkaal ee dalka yimi, isagoo xusay inay ka socdaan Shirkada(BIJIINB.B.E.F SCIENICE &TECHNOLAGYsameynaysa Idaacadda cusub, taasi oo xarunteedu tahay Caasimadda dalka Shiinaha ee Bijiin. Waxaanu intaasi ku daray inay u socdaan sidii ay sahan buuxa oo dhinaca farsamada iyo deegaanka ah ugu sameeyn lahaayeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan goobta loogu talo-galayo in la dhigo Idaacadda cusub (Transmmitter) si ay u darsaan una diyaariyaan meesha ugu habboon iyo qaabka ugu fiican halka lagu rakibi doono Warlaliyaha Idaacadda cusub.

Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Axmed Sheekh Aaden ayaa isna muujiyey in Wasaraddu hore u qorsheysay hawlaha Idaacadda cusub laga bilaabo xilligii diyaarinta qandaraska iyo dhammeystirka hawsha Idaacadda ee wakhtigan iyadoo ujeeddaduna tahay in Wasaaraddu xil iska saarto gacansiinta wixii farsamo iyo maamul ahaan looga baahdo.

Ku-simaha Agaasimaha Idaacadda ahna Isu-duwaha Barnaamijyada ee Radio Hargeysa Khaddar Mahamed Cakulle, ayaa isna ku tilmaamay arritan inay dadweynaha reer Somaliland muddo dheer maqlayeen Idaacadbaa la keenayaa, balse aanay marna rumoobin, sidaasi darteed waxa uu guul taarikhiya ku sifeeyey arrintan, isagoo geesta kalena carrabka ku adkeeyey inay Idaacadda madaxdeeda iyo hawl-wadeennadeeduba maanta u diyaar yihiin inay tayeeyaan kordhiyaanna Barnaamijyada iyo wararka  Idaacadda ka baxaya maaddaama oo ay Idaacadda cusubi gaadhi doonto Geeska oo dhan. “Si Idaacadda Radio Hargeysa  u soo ceshato taariikhdii ku lahaan jirtay dhulka Af-Soomaliga lagaga hadlo iyadoo ay Radio Hargeysa ahayd Idaacaddii ugu horreysay ee Af-Soomaali ku hadasha ee dhulka Soomaalida laga hirgeliyo.” Ayuu yidhi Khadar Maxamed Cakulle.

Maareeyaha Shirkadda Waddaniga ah ee BROTHERS ee ku guulaysatay Qandaraaska keenista Idaacadda cusub Jimcaale Muxumed Faarax ayaa sheegay inay shirkadda sameynaysa Idaacadda cusub ee Radio Hargeysa tahay mid caalamiya oo Idaacado fara badan u sameysay waddammo badan oo qaaradaha Adduunka ku yaalla, kuwaasi oo ay ku jiraan dalal ay ka mid tahay Dalka Ethiopia. Waxaanu intaasi ku daray inay shirkaddani BBEF ay sameynayso dhammaan qalabka ay Idaacadda cusubi ka kooban tahay sida Warlaliyaha, Anteenooyinka ama Taawarrada si ay dhammaan Idaacadda cusub iyo qalabkeedu u noqdaan kuwo tayadoodu aad u sarreeyaan. Isagoo caddeeyey inay aad muhiim u tahay sahankan ay Ingineerradani u yimaaddeen si ay u qiimeeyaan cilmi ahaan iyo farsamo ahaanba goobta loo qorsheeyey Idaacadda cusub in la dhigo.

Madaxweyne ku xigeenka shirkadda sameynaysa Idaacadda cusub Mr YE oo isagu hoggaaminaya Weftigan ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay yimaaddaan Somaliland gaar ahaan Radio Hargiesa si ay u helaan xogta, deegaanka iyo cimilada. Waxa kale oo uu tilmaamay inay Weftigiisu ku faraxsan yihiin inay shirkaddoodu Idaacad u sameyso Somaliland  maaddaama oo ay dalal badan oo Afrika iyo meel kaleba ku yaalla u sameeyeen kuna caan noqdeen tayada qalabka Idaacadaha ee ay farsameeyaan. Weftigiisa waxa ku wehehinaya Mr Wang oo ah  Agaasimaha xidhiidhka caalamiga ah ee shirkadda BBEF iyo Mr Guo oo isna ah Ingineer dhinaca Warlalisyada iyo Anteenooyinka Idaacadaha ah.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.