Muuse Biixi  oo ku hungoobay Guddida Dan iyo Duco

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gacmo madhan kala laabtay kulan uu saaka la yeeshay guddiga Beelaha Ciise Muuse.

Xogo kala duwan ayaa tilmaamaya in shirka  maanta dhex maray madaxweyne Biixi iyo Guddida Beelaha Ciise Muuse ee Dan iyo Duco ayaa tibaaxaya in shirkaasi lagu kala kacay .

Ugu horeyn Madaxweyne Biixi ayaa Guddida Ciise Muuse u cadeeyey inuu musharax yahay isla markaana uu doonayo inay mar labaad dhisaan .

Guddida Ciise Muuse waxay hor dhigeen madaxweynaha xisaabta saamiga ee xukuumadiisa iyo Gobolka Saaxil , waxaana ay guddidu ka hor jeedisay  garnaqsi culus ,

Waxay si cad Guddidu madaxweynaha uga hor sheegtay in 7 Sanno ee uu xilka hayey uu madaxweynuhu hagradey Beeshooda , iska da.aa wax uu siiyo , balse uu ka qaadey xilalkii ay hayeen

Sidoo kale guddida ayaa madaxweynaha u cadeysay in aanay iyagu xukumin codka beeshooda , qof walibana uu xaq u leeyahay codkiisa .