Xamaas iyo Xuutiyiinta Yemen oo ka falceliyay shilka diyaaradeed ee Raisi

Xamaas: “Dhacdadan xanuunka badan, waxaanu ku muujinaynaa in aanu si buuxda ula garab taaganahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, hoggaanka, dawladda iyo shacabkaba, waxaanu ILAAHAY SWT uga baryaynaa inuu ilaaliyo Madaxweynaha Iran iyo weftiga la socda, isla markaana shacabka walaalaha ah ee reer Iran ka fogeeyo  wax kasta oo dhibaato ah.”

Afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam: “Aad ayaan uga xunahay waxa ku dhacay diyaaradda madaxweynaha Iran dhacdadan xanuunka badan. Quluubtayadu waxay la jirtaa dadka qaaliga ah ee Iran ee ku jira qalalaasahan – si dhow ayaan u eegaynaa rajo, anagoo sugayna soo laabashada nabdoon ee madaxweynaha Iran, wasiirka arrimaha dibedda iyo dadka la socda. “