Diyaarad siday Madaxweynihii Iran oo ku dhacday Xuduudka Azerbaijan

TEHRAN — Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ay si degdeg ah u degtay Axadii, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.

Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in xaaladaha cimilo xumo ay sii adkaynayso dadaalada samata bixinta. Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa ku boorisay dadka reer Iran inay u duceeyaan Raisi.

Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan, oo qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaalada wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in Raisi ay la socdeen wasiirka arimaha dibada ee Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.

Mid ka mid ah saraakiisha dawladda hoose ayaa u adeegsaday ereyga “shil” si uu u qeexo dhacdada, laakiin waxa uu qirtay wargayska Iran in aanu isagu wali goobta soo gaadhin.

Wakaalada wararka ee Iran iyo telefiishanka dowlada midkoodna wax war ah kamasoo tebin xaalada Raisi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Waaxidi oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka war sugayaan faahfaahin dheeri ah.

Raisi, oo 63 jir ah, ayaa isku daygii labaad lagu doortay 2021-kii, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxa uu amray sharciyo adag oo anshaxa, wuxuuna kormeeray olole dhiig badan ku daatay oo ka dhan ah mudaaharaadyada dowladda, wuxuuna si adag u riixay wadahadallada Nukliyeerka ee quwadaha adduunka.

AP, Reuters.