Wararkii u danbeeya ee diyaaradda la dhacday  Madaxweynihii Iran

Diyaarad Helicopter ah oo uu saarnaa Madaxweynihii dalka Iran Raisi iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa ku burburtay Iran – iyadoo ilaa imika aan war rasmiya laga hayn raq iyo ruux.

Hay’adda Bisha Cas ee Iran ayaa beenisay warar hore oo warbaahinta dowladda ay baahiyeen oo ahaa in ay gaadheen goobta ay ku burburtay diyaaradii Helicopter-ka ee Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Iran

Sarkaal Iiraani ah oo magaciisa qariyay ayaa Aljazeera u sheegay in kooxo khaas ah ay isku dayayaan in ay si deg deg ah ku gaadhaan goobta shilku ka dhacay ka dib markii ay digniin ka heleen diyaarada helicobterka ah.

“Ma xaqiijin karno wax war ah oo la xidhiidha madaxweynaha iyo kuwii la socday, baaritaannadana si xooggan ayay u socdaan,” ayuu yidhi sarkaalka.

“Waxaan leenahay dastuur dalka lagu maamulo, looma baahna in laga walwalo xaalad kasta oo dhici karta,” ayuu raaciyay.

Taageerada Turkiga

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu “aad uga xun yahay” warka ku saabsan shilka diyaaradeed ee uu ku lug lahaa madaxweynaha Iran Raisi.
“Waxaan si dhow ula soconaa dhacdada, waxaan la xifhiidhsynaa oo aan la shaqeyneynaa mas’uuliyiinta Iran, waxaana diyaar u nahay inaan bixinno dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah,” Erdogan ayaa ku qoray Barta X.