Diyaaraddii uu saarnaa Madaxweynihii Iran oo la helay.

Kooxda Samatabbixiyeyaasha waxay heleen helikobtarkii Madaxweynaha Iran Raisi iyo weftigii la socday oo shil ku galay Xuduudka Azerbaijan .
Dhawr ka mid ah warbaahinta Iran ayaa soo xigtay bisha cas in kooxaha samatabbixinta ay heleen helikobterka Raisi.

Bisha Cas ayaan wax war ah ka soo saarin in madaxweynaha iyo asxaabtiisa ay badbaadeen iyo in kale..

Madaxa Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ay gaadheen goobta shilku ka dhacay.
Daqiiqado gudahoodna, kooxaha samatabbixintu waxay sidoo kale gaadhi doonaan burburka diyaaradda helikobtarka. Markaa hadda, waxaa la hrlay fiidiyowyada kooxaha samatabbixinta. Waxay sheegeen in dhammaan qolkii diyaaradda helicobter-ka uu si weyn u dhaawacmay oo gubtay. Waxayna sheegeen in ilaa hadda aanay jirin wax calaamado ah oo muujinaya dad ka badbaaday goobta.