Geerida Madaxweynihii Iran oo la xaqiijiyay

Wakaaladda wararka Mehr ayaa sheegtay in Madaxweynihii Iran Raisi, Amirabdollahian uu ku dhintay shilka diyaaradeed.

Wakaaladda wararka ayaa ku warantay in madaxweynaha Iran, wasiirka arrimaha dibadda iyo dadka kale ee ku weheliyay diyaaradda helicopter-ka ah, oo uu ku jiro badhasaabkii gobolka bari ee Asarbayjaan Malek Rahmati, ay la  “dhinteen”.

Wali ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan in Raisi uu dhintay, laakiin dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in aanay “wax calaamado ah ka helin” oo nolol goobta shilku ka dhacay.