Ceerigaabo: Tirada Guddi loo xilsaaray dhammaystirka khilaaf laba Beeleed u dhexeeya oo la Dhaariyey

Ceerigaabo-(Berberanews)- Guddi loo xil-saaray dhammaystirka khilaaf laba beelood Gobolka Sanaag wada dega, ayaa maanta lagu dhaariyey Hoolka Shirarka Dawladda Hoose ee magaalada Ceerigaabo.

Munaasibad lagu dhaariyey 12 qof ee loo xilsaaray soo xalinta aanooyinkii qabiil ee baryihi u dambeeyey ka dhacayey magaalada Ceerigaabo ayaa waxa goob joog ka ahaa weftigii xukuumada ka socday, ergooyin ka kala socda Golaha Guurtida Somaliland, beelaha la dega labadan beelood ee dirirtu dhexmartay iyo ergooyin ka kala yimid goboladda Sool iyo Togdheer.

Dhaarta guddidan loo xilsaray soo afjarida khilaafkii labada beelood ee dhaliyey gacan ka hadalka ayaa halkaasi loogu duceeyey in ilaahay u fududeeyo arrintan culus ee loo xilsaaray, iyagoo dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay usoo jeediyeen in si cadaalada loo dhameeyo khilaafka labadan beelood oo muddo soo jiitamayey.

Boqoro, Suldaamo, Cuqaal iyo ergooyinkii ka kala socday Guurtida iyo gobolada kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey guddidan loo xilsaaray xalinta mashaqadii magaaladda ka dhacday oo ay ku tilmaameen mid guuldaro ah.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mr: Cali Cabdi Hure, oo labadooduba sheegeen inay ku faraxsan yihiin heshiishka la gaadhay iyo guddidan 12 qof ka kooban ee loo xilsaaray furdaaminta wixii dhibaatooyin ah ee ay kala tirsanayeen labadan beelood.

Guddoomiyaha guddidan 12 qof ka kooban Mr: Siciid Maxamed Ismaaciil (Siciid Bidaar) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay ka baryey inuu u fudeeyo hawshan loo igmaday, isagoo madashana ka cadeeyey in sidii ilaahay ku ogyahay oo cadaalada ku dheehan tahay hawshaasi u gudda gali doonaan, ilaahayna wakiilan doonaan.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Axned Cabdi Xaabsade ayaa dardaaran usoo jeediyey guddidan, isla markaana ilaahay uga baryey inuu garab gallo.

Guddoomiyaha weftiga ka socda Xukuumadda Somaliland Wasiirka Arrimaha Mr: Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa guddida ku booriyey inay si karti leh u gutaan hawshaas loo xilsaaray, isla markaana go’aanada ay soo saaraan lagu ixtiraamo, isagoo xusay in guddidan ay leeyihiin awood maxkamadeed oo ay wax ku fulin karaan, isla markaana loo daba fadhiisan doono waxay ka soo saaraan soo afjarida khilaafkii beeleed ee magaaladan ka taagnaa.

Intaas ka dib waxa uu wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mr: Duur uu xadhiga ka jaray hool cusub oo loo sameeyey dawlada hoose ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Guddidan loo xil saaray xalinta khilaafkii beeleed ee labadan beelood hore u dhexmaray ayaa maalmaha soo socda gudda gali doona, iyadoo labada beeloodna ku heshiiyeen inay dhexgalaan soona afjaraan khilaafkii dhexdooda ka jiray.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.