Bandhiggii buugga cusub ee Hableheenna

Waxa maalintii Jimcaha oo ku beegnayd 20 bisha May sannadkan 2011 lagu qabtay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden, munaasibad aad u weyn oo lagu gardaadinayay buugga cusub ee Hablaheenna ee uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed. Buuggani oo lagu soo ururiyay badiba suugaantii kala duwanayd ee ka hadlaysay dumarka Soomaaliyeed. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska Stockholm ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo buux dhaafiyay madashii xafladu ka socotay.
Munaasibaddan oo ahayd mid aad u xiiso badan, dadweynihii ka soo qayb galayna ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo xiiso gaara oo ay u qabeen buuggan cusub ayaa ugu horayn waxa lagu furay Aayado Quraana oo uu akhriyay Siciid Ismaaciil Aadan. Intaas ka dib Maxamed Cabdillaahi oo ahaa daadihiyaha barnaamijka ayaa cod-baahiyaha ku soo dhaweeyay Hodan Cumar oo ah xubin ka tirsan Naadiga Akhriska Stockholm. Hodan ayaa ugu horayn u mahad celiyay dhamaan dadweynihii munaasibadda ka soo qayb galay. Waxa kale oo uy Hodan xustay goortii ay aas aaseen Naadiga, oo ahayd 8 Janaayo sannadkan 2011, iyo waxyaabihii ku dhaliyay inay Naadigan sameeyaan. Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegtay Marwo Alma Adam oo ah madaxa Urur dhaqameedka Hadraawi. Alma ayaa aad ugu dheeraatay qiimaha ay aqoontu leedahay, waxaanay dadweynihii ku boorisay inay ku dadaalaan akhriska iyo qoraalka.
Aqoonyahanka da’da yar ee Maki oo ka mid ahaa dhowr qof oo buugga soo akhriyay ayaa si farshaxanimo leh u soo bandhigay nuxurka iyo waxa uu xambaarsan yahay buuggu. Maki waxa uu ku dheeraaday in buuggani yahay mid qiimo badan, mudana in la akhriyo, waxa kale oo uu sheegay in buuggani ku dhaliyay in uu isna wax qoro. Cabdicasiis Cali Saleebaan oo isna ka mid ahaa dhallinyaradii soo akhriday buugga ayaa si heersare ah u soo bandhigay suugaantii buugga ku qornayd, isagoo waliba sharaxaad fiican ka bixiyay gabay walba qofkii hal abuuray iyo goortii uu soo baxay. Intaa ka dib Yuusuf X. Cabdillaahi oo ah qoraa weyn oo ku nool waddankan Sweden ayaa faallo kooban ka bixiyay buuggan cusub. Yuusuf waxa uu u soo jeediyay ka soo qayb galayaashii munaasibada inay akhriyaan buuggan qiimaha badan.
Intaas ka dib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraaga sare Maxamed Xirsi Guuleed oo ah qoraha buuggan ee magaciisa la yidhaa “ Sidee buu Hablaheenna Hal Abuur u tilmaamay´´. Maxamed waxa uu ku dheeraaday waxyaabihii ku dhaliyay qorista buuggan iyo waliba mudadii dheerayd ee uu ururinayay suugaanta buugga ku duugan. Maxamed ayaa aad uga hadlay qiimaha ay dumarku ku leeyihiin bulsho kasta, waxaanu sharaxaad badan ka bixiyay suugaanta kala duwan ee uu buuggan ku soo ururiyay, taasi oo uu sheegay inay isugu jirto.
Suugaantii lagu ammaanay dumarkeena
Suugaantii lagu waaniyey hableheenna
Suugaantii lagu macneeyey qiimaha hooyooyinkeenna
Suugaantii lagu cabbiray jacayl loo qaaday haweenka Soomaaliyeed
Suugaan lagaga faallooday gabadhaha ku habboon in la guursado iyo kuwa aan ku haboonayn.
Waxaanu dhanka kale Maxamed ku dheeraaday in dumarka ay suugaanta buugga ku qorani sheegaysaa ay isugu jiraan.
Hooyo wax dhashay
Walaal lala dhashay
Gabadh la dhalay
Gabadh la qabo
Iyo guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed
Qaddar nasasho ah ka dib waxaa layskugu soo noqday qaybtii labaad ee barnaamijka, waxaana hadalkii la wareegay Gudoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland Sayid Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa aqoonyahanadii buugga soo akhriyay, laakiinse isagu soo diyaariyay qaybta naqdinta buugga. Maadaama oo aynaan inta badan dhaqan u lahayn inaynu wixii soo kordha aynu sheegno goldaloolooyinkiisa, ayaa munaasibadani ahayd mid ka duwan taas. Qoraha buugga oo aan odhan karno waa qoraa u bislaaday in waxqabadkiisa la dhalliilo ayaa soo dhaweeyay in buugga intiisa togan iyo intiisa tabanba la sheego. Sayid waxa uu ku dheeraaday qiimaha buuggani u yeelan doono bulshada afka Soomaaliga ku hadasha iyo waxaanu dadweynihii u soo jeediyay inay iyaguna iibsadaan buugga oo ay ka faaiidaystaan cilmiga ku qoran. Intaas ka dib Sayid waxa uu ka hadlay dhinicii naqdinta. Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegtay Xafsa Mahad oo ah ardayad da’yar oo soo akhriday buugga. Xafsa waxay aad ugu mahad celisay qoraaga buugga iyo sida uu xil iskaga saaray inuu weel ku shubo dhamaan suugaantii kala duwanayd ee dumarka ka hadlaysay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la soo gaadhay qaybtii su’aalaha oo loo furay dhamaan ka soo qayb galayaashii xaflada. Waxaanay badi dadkii su’aalo daran dooriya waydiiyeen qoraaga buugga, isagoo isna qoraagu si farshaxanimo leh uga jawaabay. Gebogebadii barnaamijka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Ibraahim oo ka mid ah culimada magaaladda Stockholm, waxaanu sheekhu ku dheeraaday qiimaha ay aqoontu u leedahay aadamaha iyo sida loogu baahan yahay in laysku baraarujiyo waxbarashada. Gunaanadkii barnaamijka ayaa waxaa soo xidhay Muuse Dalmar oo ah gudoomiyaha Naadiga. Waxaanu Muuse u mahad celiyay dhamaan dadweynihii xaflada ka soo qayb galay, isagoo dhanka kalena ku baraarujiyay sida loogu baahan yahay in laga wada shaqeeyo danta guud ee bulshada.
Naadiga Akhriska Stockholm
Email: Stockholmreadersclub@gmail.com
Stockholm, Sweden.