Robin Van Persie Oo Beeniyay Inuu Weerar Dhinaca Afka Ah Ku Qaaday Ciyaartoyda Spain Iyo Chelsea.

(Berberanews.com):- Weeraryahanka kooxda Arsenal Robin Van Persie ayaa beeniyay inuu wax weerar dhinaca afka ah ku qaaday xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea.
Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray oo la soo dhigay website-ka kooxda Arsenal ayuu ku sheegay inuu ixtiraam u haayo ciyaartoyda xulka Spain iyo ciyaartoyda Chelsea.
“Xulkeyga ayaan hada la maqanahay, lakiin warar ay saxaafada qoreysay ayaa muhim ah inaan cadeeyo waxa ay yihiin”
“Wararkaasi waxa ay si been ah u sheegayaan inaan hadalo xun ka dhahay ciyaartoyda Chelsea iyo kuwa Spain, waxaan jeclaan lahaa inaan cadeeyo inaanan wax wareysi ah siinin Sport 1 ama xitaa saxaafad kaleba todobaadyadii u danbeeyay oo dhan. Sida warar sheegayaaneh uma ahi qof qalafsan”.
“Ixtiraam ayaan u hayaa saaxiibadeey Spanishka ah iyo kooxda Chelsea, waxaana rajeynayaa inaan wax badan ka horimaan doono sanadaha soo socda. Waxaan rajeynayaa in dhamaan taageerayaasha kubada cagta addunka aysan si rasmi ah u qaadan wararka qaldan ee saxaafada baahineyso”.
Warka ku saabsan Van Persie oo weeraray ciyaartoyda Spain iyo Chelsea ayaa saxaafada caalamka saarnaa labadii maalmood ee u danbeysay, iyagoo dhamaantood soo xiganayay inuu R.V.P wareysi siiyay Sport 1 oo Holland ka howgasha, balse ciyaaryahanka ayaa haatan beeniyay inuu wax wareysi ah bixiyay gabi ahaanba.
Mustafe Maxamuud Diiriye
shaafici_3@hotmail.com