Tababare Jose Mourinho Oo Maxkamad Isboorti La Kori Doona UEFA Si Ganaaxa Looga Qaado

Tababare Jose Mourinho ayaa maxkamad Isboorti la kori doona UEFA si looga qaado ganaaxa shanta kulan ee UEFA Champions League.
Xiriirka kubada cagta qaarada yurub UEFA ayaa tababaraha Los Blancos ku ganaaxay hadaladii uu sheegay ka dib markii kooxdiisa laga badiyay lugtii hore ee semi-finalka Champions League ee ay Barcelona la ciyaareen bishii Aprill.
Mourinho ayaa ku eedeeyay UEFA inay dhinaca garsoorka ka caawiyaan Barcelona.
Dhinaca kale Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in labada ciyaaryahan ee Karim Benzema iyo Gonzalo Higuain ay sii joogi doonaan kooxda, inkastoo warar badan ay ka soo baxayaan mustaqbalkooda.
Tababaraha reer Portugal ayaa filaya in weeraryahanadaasi ay kooxda caawiyaan xilli ciyaareedka danbe.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com