sergio “Waxaan Jeclaah Lahaa In Aan Ka Sii Ciyaaro Horyaalka Liga”.

Weeraryahanka Kaooxda Atletico Madrid Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday sida uu u  xiiseynayo inuu sii joogo dalka Spain, madaama uu xagaagan ka tagayo kooxda Atletico Madrid.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayay u badan tahay inuu faaruqiyo Atletcio iyadoo kooxo badan oo yurub ah ay xiiseynayaan ciyaaryahankaasi shalay noqday 23 jir.
Aguero ayaa hadlayay ka dib guuldaradii Argentina ka soo gaartay ciyaartii saxiibtinimo ee Nigeria markaasoo 4-1 looga badiyay arbacadii.
“Hadii ay suurtogal tahay waxaan doonayaa inaan ka sii ciyaaro La Liga. Waan jeclahay England iyo Italy, lakiin waxaan ka doorbidayaa Spain” ayuu Aguero u sheegay TyC Sports.
Real Madrid ayaa shaacisay inay xiiseyneyso Aguero, waxaana haatan sii dhaqaajin doona hadalka ciyaaryahanka iyadoo kooxda Jose Mourinho ay u badan tahay inay bixiso lacagta lagu burburinaayo qandaraaskiisa A. Madrid oo gaareysa 45 Milyan oo euro.
“Waxaan baxayaa anigoo albaabada u furaaya kooxaha i xiiseynaya oo dhan. Waan u sheegay Atletico inaan rabo inaan baxo. Waxaan rajeynayaa inay ku dadaali doonaan  inay ii sameeyaan waxa ii fiican aniga” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Kooxo dhowr ah oo yuurb ka dhisan ayaa Aguero raadinaya oo ay ku jiraan Chelsea, Manchester City, Juventus iyo Bayern Munich.
Aguero ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay Atletico isagoo dhaliyay 20 gool 32 kulan oo La Liga oo uu saftay.
Mustafe Maxamuud “kastam”
shaafici_3@hotmail.com