Denilson: Waan Aqbalayaa Dalab Kasta Oo Ka Yimaada Spain, Italy Ama Germany, Si Aan Uga Tago Arsenal.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Denilson ayaa mar kale ku celiyay sida uu u rabo inuu ka tago garoonka Emirates, ka dib markii Gunners uu soo maray xilli ciyaareed xun.
Ciyaaryahanka reer Brazil oo la rumeysan yahay inuu soo jiitay kooxo ay ka mid yihiin Sevilla iyo Wolfsburg ayaa qirtay inuu aqbali doono koox kasta oo ka socota Spain, Italy iyo Germany ee ciyaareysa Champions League.
Sida aan ka soo xiganay Daily Mirror, Denilson ayaa yiri:
“Labo jeer ayaan la hadlay Arsene Wenger, go’aankeyga waa cad yahay, shan sanno oo aan kooxda joogay, waa ay ii fiican tahay inaan baxo”
“Wali waa da’ yarahay. Hadii aanan helin koox kale oo yurub ah, waxaan ku laaban doonaa Brazil waxaana halkaas ka ciyaari doonaa ilaa lix bilood” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Fekerkeyga waxa uu yahay inaan aqbalo dalab kasta oo iigaga yimada Spain. Italy iyo Jarmalka, islamarkaana koox ciyaareysa Champions League. Riyadeyda waxa ay tahay inaan boos weyn ka helo xulka qaranka Brazil”.
“Ma eedeynaayo Arsene Wenger gabi ahaanba. Waxaan rumeysan
ahay in shaqsi ahaan xilli ciyaareed fiican i soo maray, lakiin waxaan u baahanahay inaan koobab qaado”.
“Ka dib finalkii Carling Cup, wax walba waa ay ka qaldameen Arsenal” ayuu hadalkiisa ku koobay.
Mustafe Maxamuud “kastam”
shaafici_3@hotmail.com