Sepp Blatter oo mar kale dib loo doortay

Madaxweynaha FIFA — Sepp Blatter — ayaa mar kale dib loo doortay iyada oo aanay cidna la tartamin kadib markii xubnaha hey’adda maamusha kubadda cagta ee adduunka ay diideen in doorashada dib loo dhigo.
Mooshinkii ay wadeen xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska ee ahaa in dib loo dhigo dib u doorashada Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter, ayaa helay taageero yar, waxaana natiijadu micnaheedu yahay in ay iska caddahay in inkastoo ay jiraan eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhex jira FIFA in Mr Blatter dib loogu dooranayo afar sano oo hor leh.
Mr Blatter ayaa congress-ka FIFA u sheegnay in xaalad aan wanaagsaneyn ay ku jiraan, laakiin waxa uu ku adkeystay in nidaamkooda dhaqaalaha inuu gabi ahaan yahay mid cad.
Waxa uu ku dhawaaqy in in dib u habeyn lagu sameyn doono qaabka dalalka marti gelinaya koobka adduunka loo dooran doono mustaqbalka.
Xiriirka kubadda cagta ee Germany ayaa ku baaqay in dib loo baaro go’aankii dalka Qadar lagu siiyay in ay marti geliyaan cayaaraha adduunka 2022, taasi oo ay sheegeen inay keentay shaki weyn.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com