Iker Casillas: Real Madrid Iyo Barcelona Ayaa Ugu Xoogan Kooxaha Qaarada Yurub.

Kabtanka kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa aamisan in Real Madrid ay garaaci laheyd Manchester United hadii ay finalka Champions League wada imaan lahaayeen,
 isagoo sheegay in labada kooxood ee reer Spain ay yihiin kuwa ugu fiican yurub.
Kooxda Los Blancos ayaa waxaa semi-finalka Champions League ku reebtay Barcelona, waxaana ay keentay inay finalkii 3-1 kaga qaadaan kooxda United.
“Hadii Madrid ay ciyaari laheyd finalka Champions League guul ayaan ka gaari laheyn United ayuu u sheegay goolhayaha Spain majalada Sport.
“Waan ogaa in cidii badisa Madrid- Barca semi-finalka inay qaadi laheyd Champions League. Waxaan nahay labada kooxood ee ugu xooga badan qaarada yurub” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ayaa bilowday inay is adkeyso xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo haatan ay yimaadeen Nuri Sahin iyo Hamit Altintop,
 Casillas ayaa waxa uu aaminsan yahay in kooxdiiisa talaabo dhinaca horumarka ah inay qaadi doonto xilli ciyaareedka 2011-12.
Dhinaca wanaagsan ee xilli ciyaareedka waxa uu ahaa waxaan ku guuleysanay koob [Copa del Rey]. Lakiin dhinaca xun waxa ay aheyd waxaan albaabka u soo istaagnay labo koob oo waa weyn,
 lakiin xilli ciyaareedka soo socda meeshaas waan dhaafi doonaa.
 Marka hore La Liga ayaa kaalin kowaad ka gali doonaa, waxaana gaari doonaa finalka Champions League, ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay 30 jirkaasi.
Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com