Bayern Munich oo Shaacisay Inay Si Rasmi Ah U La Soo Wareegtay Maneul, Neuer Iyo Rafinha.

Ka dib dhowr bilood uu wadahadalo socday, wadaxaajoodkii Schalke iyo
Bayern Munich ee ku saabsanaa Nanuel Neuer ayaa soo dhamaaday. kooxda
Bayern waxaa ay sii deysay war saxaafadeed ay ku xaqiijineyso inay si rasmi ah
ula wareegaan goolhayaha reer jarmal isagoo uu saxiixi doona heshiis shan sanno ah.
Sidoo kale dooxda FC Hollywood waxaa ay website-keeda ku xaqiijisay inay la soo wareegeen ciyaaryahankii kooxda Genoa Rafinha kasoo u saxiixay heshiis saddex sanno ah.
“Maanta FC Bayern Munich iyo FC Schalke 04 waxaa ay heshiis rasmi ah
ka gaateen Manuel Neuer.  Neuer waxaa uu ku biiri doonaa kooxda Bayern 1-da
bisha Jully 2011” ayaa lagu yiri warbixinta qoraalka ah ee Bayern Munich.
Lacagihii lagu kala iibsaday labadaasi ciyaaryahan ayaanan la sii deynin,
inkastoo la qiyaasayo in Neuer uu ku fadhiyo 18 milyan oo Euro oo ay
raacsan tahay lacag dheeri ah oo ku xiran ciyaarhisiisam, halka ciyaaryahanka
reer Brazil Rafinha uu isagana ugu fadhiyo 5.5 Milyan oo Euro.
Labada ciyaaryahan ayaa waxaa ay ku biirayaan Nils Petersen oo isna
Bayern Munich ay la soo wareegtay, waxaana 3-da ciyaaryahanba ay si rasmi ah ugu
biiri doonan FC Hollywood 1-da Jully markaasoo si rasmi ah uu u furmayo suuqa kala
iibsiga ciyaartoyda.
Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”
shaafici_3@hotmail.com