Is Casilaada Gudoomiyaha FIFA Bin Hammam iyo Blatter Oo Keli Ku Noqondoona

 (Berberanews):- Musharaxa gudoomiyenimada FIFA Mohamed Hammam ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay musharaxnimadiisa ka dib baaritaanka gudi hoosaadka FIFA ee laaluushka iyo wax isdaba marinta.
 Bin Hammam oo u dhashay dalka Qadar ahna gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Asia ayaa ahaa musharaxa keliya ee loolanka la gelayey gudoomiyaha waqtigan Sepp Blatter doorashada gudoomiyenimo ee FIFA oo 1da bisha Juun la qabanayo.
 Sababta uu isaga casilay musharaxnimadiisa ayuu Bin Hammam ku sheegay eedeymaha loo soo jeediyey ee musuqa iyo laaluushka isagoo mar kale ku celiyey inuusan wax dembi ah laheyn dacwadana tahay shirqool siyaasadeed oo lagu magac dilayo uuna soo maleegay xubin ka tirsan FIFA.
 Bin Hammam ayaa Khamiistii sheegay inuu is difacayo isla markaasna aysan marnaba dhaceyn inuu ka laabto musharaxnimada xilka ugu sareeya FIFA sida ay doonayaan kuwa dacwadan soo abaabulay lamana oga sababta uu laba maalmod ka dib u bedelay go`aankaas oo uu isku dhiibay wuxuuna codsadey in baaritaanka lagu soo darro gudoomiyaha FIFA Sepp Blatter.
 Gudiga baaritaanka ayaa shalay ku dhawaaqay iney furayaan kiis baaritaan oo ka dhan ah gudoomiye Blatter loona yeerayo si uu uga warbixiyo waxa uu ka ogyahay musuqa iyo laaluushka hareeyey gudaha xubnaha xiriirka kubada cagta aduunka.
 Blatter ayaa ka baqsadey inuu ka qeyb galo kulankii finaalaha Champions League oo markii hore u qorsheynaa sababta uu u imaanin ayaa lagu macneeyey inuu waqti u helo isuguna diyaariyo dacwada dhageysiga ee la xiriirta laaluushka iyo wax isadaba marinta ay kusoo oogeen gudi hoosaadka xiriirka uu madaxda ka yahay ee FIFA.
Mustafe M “kastam”
shaafici_3@hotmail.com
 Waxey hada u egtahay in Blatter mar kale la dooranayo maadaama aysan jirin musharax la tartamaya uuna sii heynayo xilka gudoomiyaha FIFA oo uu qabtay sanadkii 1998kii.?