Messi oo ka adeegtay Mourinho semi-final-kii Champions League ee Barca iyo Real

Xidiga ugu wanaagsan caalamka Lionel Messi ayaa muujiyey in wali uu yahay ninka koowaad ee kubada cakta marki uu lugtiisa ku dhaliyey labadi gool ee ay xalay kooxdiisa Barcelona kaga badisay Real Madrid lugta koowaad semi-finalka koobka Champions League.
Kulanki xalay oo ka dhacay garoonka Bernabeu ayaa aheyd mid dagaal iyo daf daf badneyn taasoo keentay in Real Madrid ay ku dhameysato 10 ciyaaryahan iyo macalinkooda oo laga saaray kursiga keydka marki uu la murmay garsooraha ciyaarta.

Barca oo ku gacan sareysay min bilow ilaa dhamaad ciyaarta ayaa waxa goolasha ay heshay gelinki labaad ee ciyaarta, goolka hore waxa uu ahaa mid uu keenay wiilka reer Holland Ibrahim Afellay ciyaarta oo ay ka harsaneyd 14 daqiiqo, halka goolka kalana uu dhaliyey ciyaarta oo ay ka dhinneyd 3 daqiiqo.

Real si aad ah ayey isaga caabineysay weerarada hanjabaada ah ee kaga imaanyey Barcelona qeybti hore ee ciyaarta hase yeeshee waxa ay talo faraheeda ka baxday marki kaarka casaanka ah loo taagay ciyaaryahanka qadka dhexe  daqiiqadii 61-aad Pepe


Lugta labaad ee ciyaartan ayaa ka dhici doonto todobaadka soo aadan garoonka Barcelona Nou Camp, waxaana rajada ay xageeda jirtaa Barca oo xalay ku badisay garoonka Real Madrid.2-0