Garsoore ladhawacay iyo Hertha Berlin oo dib ugu soo laabatay horyaalka heerka koowad ee Jarmalka

Horyaalka dalka Sweden waxaa Isbitaalka loo la cararay Calanwade lagu magacaabo Daniel Warnmark oo Sawariiqda Baaruda ah la la helay Ciyaartii uu Calanwadaha ka ahaa oo dhex martay kooxaha Horyaalka Sweden ee kala ah Syrianska Vs AIK Stockholm.

Ciyaartaan oo socotay 20-Daqiiqo oo kaliyah waxaa 1-0 ku hogaamineeysay Ciyaarta kooxda martida loo ahaa ee Syrianska. Xiriirka kubada cagta ee dalka Sweden ayaa dhawaan ka soo saari doono arintaan go´aan iyo Ganaax is bar bar socda maadaama Ciyaartii eey Qanad ku dhamaatay Calanwade Daniel Warnmark-na Isbitaalka loo la cararay.

Dhanka kale  Kooxda Hertha BSC oo ka dhisneed Caasimada dalka Germany ee Berlin ayaa hal sano ka dib ku soo noqotay Horyalka Jarmalka ee Bundesliga.

Hertha BSC oo Serie B gashay ayaa Saxaafada Caalamka wexeey ku dacaayadeeyeen kooxdii sharafta ka qaaday Caasimad weeyn oo Ciyaaraha looga dambeeyo. Ma jirto koox kale inta Taariikhda la ogyahay oo ka dhisan Caasimada Jarmalka ee Berlin oo aan ka aheyn Hertha Berlin. kooxaha Waa weeyn ee dalka Germany dhamaan Gobolo iyo Degmooyin ayeey ka dhisan yihiin sida Fc Bayern Munchen, Bayer Liverkusen, Werder Bremen, Hambrug, Schalke, Wolfsbrug iyo Brussia Dortmund.

Hertha Berlin ayaa xaqiijisay ku soo laabashadeeda Horyaalka Germany ka dib markii eey 1-0 ku garaacday kooxda MSV Duisburg wexeeyna aruursatay ilaa iyo hada dhibo 68 ah , dhanka Gooldhalinta waxaa soo saaray weeraryahanka Qaranka Colombia Ramos.