Franz Beckenbauer oo sheegay in Schalke aysan difaaci Karin sharafta Jarmalka iyo Reina oo sheegay in uusan waligii kubiiri doonin Man United

Kadib markii kooxda Fc Schalke isku dhax yaac balaaran iyo kala daadsanaan Difaaceeda ah laga dareemaayey ciyaartii United ayaa waxaa wareeysi uu dhiibay Rugcadaagii hore ee Qaranka Germany iyo Kubada cagta Caalamka Franz Anton Beckenbauer waxaa uu kudhalilay kooxda Schalke isagoo sheegay ineysan awoodin in ay difaacdo sharafta Jarmalka

” Fc Schalke Ciyaartii eey soo bandhigtay Hurdo ayaa igu qabatay meeshana waxba kuma heeyn oo uma eeysan Ciyaarin sidii eey kooxda Inter iskaga dhiciyeen waxaana uu ugu baaqay ineeysan sidaas oo kale u ciyaarin marka eey tagaan 4-ta Bisha May Garoonka Old Trafford hadii kale Ceeb weeyn ayaa dhici doonto !! ” ayuu yiri Franz Beckenbauer

Dhanka kale Gool hayaha xiiran ee kooxda Liverpool ninka reer Spain ee  Pepe Reina  ayaa diidday in uu kubiiro kooxda Manchester United. Oo dooneysa in ay galiso booska uu baneyn doono gool haye Edwin Van der Zaar oo kafariisan doona kubada cagta xagaagan

Isagoo uwaramayay Daily mail waxaa uu yiri “waligey kuma biiri doono United waxaana noloasheyda uhibeeyay naaadiga Liverpool hadii aan xitaa katagayo uma ciyaari doono koox ingriis ah”