Hargeysa: Askari ka tirsan ciidammada Somaliland oo toogasho ku dilay gabadh dhallinyaro ah

Hargeysa -(Berberanews)-Askari ka tirsan ciidammada Somaliland, ayaa toogasho ku dilay gabadh dhallinyaro ahayd oo la odhan jiray Najma Cabdillaahi badhtamaha magaalada Hargeysa.
Warka ayaa sheegay in askarigu rasaas ku furay gaadhi ay wadatay marxuumad Najma Cabdillaahi oo ka mid ahayd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.
Ciidammada Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka dilku ka dhacay, ayaa gacanta ku dhigay askariga falka geystay, kaas oo isku dayey inuu baxsado.
Allaah u naxariistee marxuumad Najma Cabdillaahi, ayaa la sheegay in ay u diyaargaroobaysay munaasibadda arooskeeda oo u qorshaysnayd bishii Ramadaan ee dhammaatay kadib.