“Riyo raac shalay buu gudoomiye ahaa maanta waa..” Xildh. Mustafe Khayreeye

Hargeysa-(Berberanews)-Komishanka doorashooyinka Waa hay’ad farsamo ,waxayna qeybta ugu weyn   ka tahay nidaamka dimquraadiyada ee dalka.
Waa hay’ad Garsoor oo shaqadeedu dhex u tahay Axsaabta Qaranka . Isbedelada hogaankoodu waa Sunne Maamul , komishan kasta hadaad dib u Raacdo waxa is bedeley Gudoomiyayaal badan, wxaan filayaa komishanka hada iyo kii ka Horeeyey ayaan wax isbedel ahi ku iman.

Hadii maanta ay hogaan cusub doorteen koomishanku wax dhib ahi kuma jiraanGudoomiye Cabdirashiid Rayo raac waxa doortey Markii hore xubnaha komishanka , maanta iyaga ayaa ka qaadey , waxaaney doorteen Marwo Kaltuun Shiikh Xasan Cabdi oo ahayd Xubinta kali Ah ee ka mid ahayd Komishankii Hore ee kani Badaley , waxaan ku aqaan Marwo dhowrsoon ,shaqan wacan  oo aan siyaasada Daneyn balse ku badan arimaha farsamo iyo Maamul ee komishanka , waana gabadha kali ah Ee wehelisa 6 nin oo ay shaqo wadaag yihiin

Eng Riyo raac shalay buu gudoomiye ahaa maanta waa xubin waxana suurtagal ah in uu Barina ka maalina noqdo gudoomiye , markaas Hay’ad kasta yaan la qabiileyn oo la reereyn
Gudoomiye Marwo Kaltuun iyo Ex Gudoomiye Eng Riyo raac labaduba waxay kasoo galeen Komishanka Dhankaas Iyo Kulmiye
Markaas halkaasna isbedel siyaasi ah oo weyni kama muuqdo ee Inantaas halaga fuqo oo hala Soo dhoweeyo .hablaheenu nin kasta ka maamul Wacan oo ka Cadaalada wacan marka loo eego Hay’adaha Maamulka iyo Farsamada.

Waxa qoray Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi (Khayreeye) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Gobolka Sool, gaar ahaan degaanka Caynabo.