Maalqabeennada Ruushka ee u yaacay Turkiga

Turkey-(Berberanews)-Doon uu leeyahay Aluminium Oleg Deripaska oo u dhashay dalka Ruushka ayaa Sabtidii gaadhay gacanka u dhaw deegaanka lagu tamashleeyo ee Gocek ee koonfur-galbeed ee dalka Turkiga, iyadoo maalqabeenno badan oo Ruush ah ay ku wajahan yihiin dalka Turkiga si ay uga baxsadaan cunaqabataynta reer galbeedka ee ku wajahan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Deripaska, aasaasaha shirkadda weyn ee aluminium ee Rusal (RUAL.MM), waxaa cunaqabatayn saaray Maraykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska.

Waxa uu hore ugu baaqay nabad. Goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay doonnida Clio oo dhererkeedu dhan yahay 73-mitir (239.5 cagood) ay soo gaadhay xeebta Gocek ee gobolka xeebta Aegean ee Mugla Sabtidii.

Markabkan oo sitay calanka Jasiiradaha Cayman ayaa weli ku sugan gacanka Gocek.

Imaatinka Clio ee biyaha Turkiga ayaa timid ka dib markii labo doonyood oo waaweyn oo lala xidhiidhiyay bilyaneerka Ruushka Roman Abramovich, kaasoo si lama filaan ah uga soo muuqday wadahadallada nabadeed ee Ukraine iyo Ruushka ee bishan ka dhacay Istanbul, ay ku xidheen dekedaha Turkiga.

Dowladaha adduunka ayaa doonaya in ay go’doomiyaan madaxweyne Vladimir Putin iyo xulafadiisa sababo la xidhiidha duullaanka Ruushka ee Ukraine, kaasoo Kremlin-ka ay ugu yeedhay “howlgal milatari oo gaar ah”.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xuduud badeed la wadaaga Ukraine iyo Ruushka oo ku yaal Badda Madow, wuxuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay labadaba wuxuuna dhexdhexaadinayaa khilaafka.

Turkigu wuxuu hore u taageeray Kyiv, laakiin sidoo kale wuxuu ka soo horjeeday cunaqabataynta Moscow, oo ay ku jiraan tillaabooyinka ka dhanka ah bilyaneerada Ruushka.

Ankara waxa ay aad ugu tiirsan tahay tamarta Ruushka laga keeno iyo dalxiisayaasha,waxana ay u noqotay meel ay ku badbaadaan dadka Ruushka ah ee ka cararaya cunaqabataynta,in badan oo kalena waxa ay maalgashi ku sameeyeen Turkiga.

Jimcihii, diblumaasi Ukrain ah ayaa sheegay in Ukraine ay kala shaqeyneyso Turkiga taageero iyo faham dheeri ah -inkastoo aanay ku faraxsanayn – xaqiiqada xidhiidhka laba geesoodka ah ah ee Ankara iyo Moscow.

Berberanews.com
Info@berberanees.com