Safarka Madaxweynaha ee Maraykanka: Soo Ifbaxa Qorrax iyo Xiddig Dhicitaankeedii!

Waxa qoray suxufiga ruug-caddaaga ah ee Xuseen Cali Nuur
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku gudo jiraa booqasho rasmi ah oo 10 maalmood ah oo dalka Maraykanka ah. Booqashadani waxay tahay mid saaxiib, sidiiq iyo sokeeye u riyaaqeen; nacab, cadow iyo danaystana ka naxeen.
Weftiga Madaxweyne Muuse Biixi booqashadiisu waxay socotaa xili xaaladda dunida ka jirtaa ay ka dhalan karaan isbeddelo siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo difaac.
Waxa kale oo booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Maraykanku socotaa:
• Xilli istaraatijiyadda  Jamhuuriyadda Somaliland iyo marinka Baabul Mandab soo kordhayo.
• Xilli madax sare oo Soomaaliya ka mid ahi Maraykanku ku soo rogay cunoqabatayn iyo xayiraad.
• Xilli maamulka Muqdisho ku fashilmay shirqoolladii uu maleegayey ee ka dhanka ahaa joojinta socdaalka Madaxweynaha ee Maraykanka, shirqooladaas oo ay Farmaajo iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibaddu ka wadeen Geeska Afrika, dalka Maraykanka, gacan siinna ka doontay Amiirka Qatar oo ku diiday.
• Xilli dalka Sucuudigu ka qaaday xayiraaddii uu saaray xoolaha Soomaalida.
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu khudbad taariikhi ah ka jeediyey Machadka The Heritage Foundation. Xaruntaasi oo mabaadii’da aasaasiga ah ee Maraykanka raad weyn ku leh.
Madaxweynaha xarunta The Heritage Foundation Dr. Keiven Roberts khudbaddiisii soo dhoweynta Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku caddeeyey sababaha baahida weyn loo qabo in Maraykanku xidhiidh iskaashi oo heer sare ah la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa sababahaas ka mid ah:
Jamhuuriyadda Somaliland oo nabad ah, dalka Yemen oo dagaal ka socdo, Itoobiya oo aan deganayn, dimuqraadiyadda Suudaan oo la shirqoolay, madaxweynaheeduna booqasho ku tagay dalka Ruushka. Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan.
Dr. Roberts khudbaddiisii furitaanka wuxuu ku soo afmeeray, “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal u qalma, mabaa’diida aasaasiga ah ee dalka Maraykanka, waxa loo baahan yahay kor u qaadista iyo wada shaqeynta labada dal, waana u sharaf in Ameerika noqoto dalka ugu horreeya ee Somaliland ictiraafa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland khudbaddiisii uu xaruntaas ka jeediyey, wuxuu si ballaadhan oo qoto-dheer ugaga warramay taariikhda Somaliland, isagoo soo jeediyey garnaqsi ku wajahan qaddiyaddeenna, xidhiidhka ay la leedahay dalal badan oo dunida ka mid ah. Waxa uu caddeeyey wadahadalka Soomaaliya in aanu ahayn mid midho dhal ah, balse waqti lumis ah, Jamhuuriyadda Somaliland-na qaddiyaddeeda ay sii wadi doonto ilaa ay xaqiijiso.
Khudbadda kadib, su’aalo badan oo la weydiiyey Madaxweynaha waxa ugu horreysay aragtida dagaalka dalka Ukraine uu ka qabo, wuxuuna Madaxweyne Biixi yidhi; “Waan u damqanaynaa silica iyo saxariirka haysta shacbiga Ukraine, kuwaas oo aannu hore u soo marnay. Hase ahaatee, siyaasad ahaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ukraine way kala duwan yihiin. Annagu waxaannu ka xorownay gumaysi, 60 sanno ka horna 26 dal ayaa na aqoonsaday, halka Ukraine dhowr iyo labaatan sannadood ka hor, Midowgii Soofiyeeti markii uu burburay ay ka go’day Ruushka.”
Arrinta ugu muhiimsan oo uu ku faani karo, mar wax laga weydiiyey wuxuu ugu jawaabay, “Waa shacbiga Somaliland oo ka bilaabay dal la wada burburiyey, biyo, hoy, maamul iyo xafiisyo aan lahayn, maantana gaadhsiiyey inuu noqdo dal albaabada u furay iriddii lagu horumarin lahaa dhaqaalaha gobolka.”

Muddadii uu joogay dalka Maraykanka wuxuu la kulmay Ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka wadahadleen wax wada qabsashada iyo iskaashiga labada dal.   Waxa kaloo uu la kulmay Waaxda Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay isla qaadaa dhigeen arrimo ku lug leh difaaca iyo amniga labada dal.
Kulamada Madaxweynaha waxa ka mid ah sagaal Xildhibaan oo ka tirsan Guddiyada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Afrika iyo xuquuqul insaanka oo ka socda aqalka Senate-ka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga. Kulankan kadib, mudaneyaashani waxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr. Antony Blinken u direen qoraal ilaa 10 qodob ah oo ay ku caddaynayeen sababta loogu baahan yahay in dalka Maraykanku xidhiidh toos ah uu la yeesho Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muhiim u tahay in lagula dhaqmo xeerka 2019 ee Taiwan.

Waxaan leeyahay booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Maraykanka waxay dunida u caddaynaysaa soo ifbaxa qorrax oo ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhicitaanka xiddigeed oo ah Soomaaliya.