Guddiga Doorashada Soomaaliya oo Diiday Natiijada Kursiga loo doortay Fahad Yaasiin

Muqdisho-(Berberanews)-Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee heer federal, ayaa ku gacan saydhay natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu ku soo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal guddigu soo saareen xalay ayey ku shaaciyeen natiijada hordhaca ah ee doorashada 5 ka mid ah kuraasta shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee deegaan doorashada 2-aad ee HirShabelle, iyaga oo ka reebay kursigii 6-aad ee HOP#086.
Qoraalka guddiga ayaa u dhignaa sidan:
“DOORASHADA 5 KURSI EE BELEDWEYNE
Natiijada Hordhaca ah ee doorashada 5 kursi oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ee degaan doorashada 2aad ee Hirshabelle shalay, waxa ku soo baxay:
1-HOP#015 Xiis Xasan Aadan
2-HOP#008 Maxamed Deeq X.Cumar
3-HOP#274 Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux)
4-HOP#109 Cabdifataax Qaasim Maxamuud
5-HOP#074 Cabdikariim Cumar Xuseen
F.G: Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama beddelin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaa darteed waa waxba kama jiraan natiijada tallaabadii maanta lagu baalmaray.”

Maamulka HirShabelle ayaa hore ugu gacan saydhay qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal, oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, kadibna shalay qabtay.