Gavin Williamson: “Waannu Wadaynaa Dagaalka Ilaa Somaliland La Aqoonsado.”

Hargeysa -(Berberanews)-Xildhibaan Gavin Willianson oo hoggaaminaya wefti ka socda Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo socdaal ku  jooga Hargeysa, ayaa sheegay in waddanka Jamhuuriyadda Somaliland yahay xaqiiq aan la dafiri karin, isagoo ballanqaaday inuu sii riixi doono dedaallada diblomaasiyadeed ee loogu raadinayo aqoons caalami ah ilaa caalamku aqbalayo.

Xildhibaan Williamson oo u ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa muuqbaahiyaha CBA u sheegay in uu sii wadayo dadaalada isaga iyo xildhibaanno kale ay ku doonayaan in Somaliland la aqoonsado.
“Waannu wadi doonnaa soo jeedinta, waannu riixi doonnaa, waannu u doodi doonnaa ilaa oo aannu guul ka gaadhno. Tani waa go’aan, doonis iyo rumaysnaan naga dhex ololaysa, oo aannu rumayn karno,” ayuu yidhi xildhibaan Gavin Williamson.

Waxa uu sheegay in markii uu Somaliland yimid uu ogaaday dareenka shacabka ee aqoonsi caalami ah, isla markaana ka shaqayn doono sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd.

“Markaad Somaliland timaad waxad kulmaysa soo dhawaynta, doonista iyo go’aanka shacbiga Somaliland, waxaanad si dhaba u ogaanaysa in ay tani tahay arrin u baahan in laga shaqeeyo, dagaalka waanu wadaynaa, maalin maalmaha ka mid ahna waanu rumaynaynaa,” ayuu yidhi Williamson.
Waxa uu Somaliland ku tilmaamay xaqiiq, aan khayaali ahayn, iyo in loo baahanyahy in adduunku garwaaqsado “Somaliland ta maantu maaha khiyaali iyo riyo, waa xaqiiq jirta, wakhti uun baa inaga xiga xiligii uu adduunku xaqiiqdan xidhiidh la yeelan lahaa.”

Williamson iyo wefti xilhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa safar ku jooga Somaliland, xildhibaannadan ayaa gadhwadeen ka ah dadaallo lagu doonayo in dowladda Ingiriiska iyo caalamku aqoonsi siiyo Somaliland.