Madaxweyne Biixi oo ka codsaday AU in dib loo ambaqaado bayaankii Somaliland ee 2005

Xogo cusub oo ku jira bayaankii Guddiga Xaqiiqo-raadinta Midowga Afrika ka diyaariyey socdaalkoodii Somaliland

Hargeysa  -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay mudan tahay inuu tixgeliyo rabitaanka shacabka Somaliland.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay shacabka Somaliland inuu mudan yahay tixgelin, haddii aan wax loo tarayn in la siiyo inuu sida u isagu doortay lagula shaqeeyo oo ah inuu qarannimo madaxbannaan ah doortay.
“Qaranka Somaliland wuxuu ku dhisan yahay in looga garqaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka ha la joogo ma jabineyno, Axdi-qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno, laakiin walaaladayada Soomaaliya ayaa khaldan oo leh aan wada gubannee soo hadha.”

“Ururka Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxa looga baahan yahay inuu xaqiiqda eego oo weftigii uu u soo diray Somaliland sannadkii 2005-tii ee yidhi ‘arrinta Somaliland way ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego,’ markaa in tii halkii laga qaado oo la soo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsanaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudabad ka jeediyey munaasabad lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta.
Haddaba, Guddigii Xaqiiqo-raadinta ee ka socday Midowga Afrika ee booqday Somaliland sannadkii 2005 ee uu Madaxweyne Biixi soo hadal qaaday waxa ay booqashadooda ka diyaariyeen bayaan lix bog ka kooban oo ay kaga hadlayeen xaqiiqooyinka ay ku soo arkeen Somaliland.

Nuxurka bayaanka Guddida Midowga Afrika ka diyaariyeen socdaalkoodii Somaliland sannadkii 20025:
Guddiga xaqiiqo-raadinta ee ka socday Midowga Afrika waxay Somaliland booqasho ku tageen intii u dhexeysay 30 April ilaa 4 May 2005, si ay ugu kuurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqan-dhaqaale, amniga, bani’aadanimada iyo arrimaha kale ee la halmaala.
Guddiga xaqiiqo-raadinta oo uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Golaha Midowga Afrika, Patrik Mazimhaka, waxa booqashadooda Somaliland ku wehelinayey xubno kale oo isugu jiray khubaro dhinaca amniga iyo millateriga ah.

Guddigu booqashadooda Somaliland markii ay dhammaysteen waxay dib ugu laabteen magaalada Addis Ababa, waxayna diyaariyeen bayaan dhowr bog ka kooban.
Bayaanka dabagalka ee ay Somaliland ku sameeyeen guddi ka socday Midowga Afrika, ayaa ka koobnaa lix qodob oo ay cinwaan uga dhigeen “Booqashadii dabagalka ee ay Somaliland ku sameeyeen iyo waxa ugu soo baxay.” Qodobbadaasi oo kala ah:

Ujeeddada Socdaalkooda:

Qodobka koowaad Guddigu waxay ku faahfaahiyeen ujeeddada socdaalkii ay ku tageen Jamhuuriyadda Somaaliland, iyaga oo sheegay in booqashadaasi ka dambaysay casuumaad ay dhanka Somaliland ka heleen.

Maadaama Jamhuuriyadda Somaliland ay si isdaba joog ah Midowga Afrika uga codsatay sannadihii 2003, 2004, iyo 2005 ay inuu u soo dirto guddi u kuurgala xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ka jira Somaliland si ay AU ugu fududaato ka jawaabidda qaddiyadda Somalialnd.

Intii Guddida Midowga Afrika ay socdaalka ku jireen waxa u qabsoomay:

Guddiga booqday Somaliland warbixintooda waxay ku sheegeen inay wadatashiyo kala duwan ay magaalada Hargeisa kula yeesheen dhinacyada siyaasadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida Madaxweynaha, golahiisa wasiirrada, Ergada Ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada bulshada rayidka, siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada haweenka.
Waxa kale oo Guddigu ay booqasho ku tageen magaalooyinka Berbera, Boorama, Sheekh iyo deegaannada ku xeeran, iyagoo shacabka magaalooyinkaasi kulammo iyo wada tashiyo la qaatay.

Dhammaan kulammada ay bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiinta reer Somaliland la yeesheen Guddida Midowga Afrika, ayaa farriinta loo gudbiyey ee ay ka soo qaadeen waxay noqotay: “Madaxbannaanida Somaliland inay lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galayn, dib dambena aanay Soomaaliya ula midoobayn, ayna doonayaan inay Midowga Afrika iyo Beesha Caalamkaba ay Somaliland ictiraafaan.”

Qiimeynta Guud ee xaaladda Somaliland:

Guddigu waxay sheegeen booqashada ay ku tageen Somaliland inay ku qanceen, ayna soo arkeen inay Somaliland qiimeyn guud markii ay ku sameeyeen garwaaqsadeen inay leedahay dhammaan sifooyinkii ay dawlad madaxbannaan yeelan lahayd.

Guddigu waxay sheegeen aragtida goonni-isu-taagga Somaliland inay soo bilaabantay 1991-kii markii ay burburtay dawladdii uu madaxweynaha u ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Somaliland markii ay goonni-isu-taaggeeda ku dhawaaqday kadib waxay sameysatay Dastuur dhammaystiran oo qaab-dhismeedka iyo awoodaha dawladda qeexaya, isla markaana maamusho dhammaan dhulki uu xilligii gumeystaha Ingiriiska maamuli jiray ee la odhan jiray British Somaliland.
Somaliland dhul ahaan waxay xad la leedahay Badda Cas iyo Gacan Cadmeed, waxana nool dad ka badan 3.5 milyan oo qof.
Waxay Guddigu qirteen in Somaliland nabadgelyo buuxa hanatay marka loo eego dalka Soomaaliya iyo gobolka sida u u gubanayo, iyagoo caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland leedahay dhaqaale ku filan oo ay isku maamuli karto wa sida Guddiga Midowga Afrika warbixintooda ku sheegeen.

Natiijada Booqashadii Guddida Midowga Afrika ee Somaliland:

Guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika ee booqashada ku tegay Somaliland waxay socdaalkooda ku ogaadeen arrimahan soo socda:

Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaaqaday goonni-isu-taagga waxa ka hirgelay nidaam dimoqradiyadeed, taasoo qarannimada aasaas u ah.

Dhibaatooyinka Somaliland ka soo wajaha dhinacyada siyaasadda, dhaqan-dhaqaale, ciidan iyo bani’aadanimo inay ahaayeen kuwa ay ka dhaxleen midowgii ay Soomaaliya la midoobeen.

In shacabka Somaliland baahan yihiin in laga taageero dhibaatooyinkii ka soo gaadhay midnimadii ay Soomaaliya la qaateen uu burbur badan dhaxalsiiyey, ayna u baahan yihiin dhaqaale badan oo ay dhibaatooyinkaasi uga soo kabtaan.

Inkastoo Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed oo heer wanaagsan maraya, haddana waxay daldaloolooyin ka jiraan oo wax ka qabasho u baahan arrimo ay ka mid yihiin sinnaanta jinsiga, iyada oo raggu awoodda ugu badan ee dalkaasi ay hayaan. Dumarka waxa loo baahan yahay in siyaasadda iyo waxbarashada si buuxda looga qaybgeliyo, iwm.

Talada guddiga Guddiga Midowga Afrika soo jeediyeen:

Waxay guddigu sheegeen inay soo arkeen rabitaanka shacabka iyo soo jeedinta cad ee maamulka Somaliland marka la eego taariikhda siyaasadeed ee Somliland midowgi 1960-kii dhacay uu ku keenay dulmi iyo dhibaato baaxad leh.

Waxa ay sheegeen inay soo ogaadeen dib u midoobidda Hargeysa iyo Muqdisho inay mustaxiil tahay marka la eego mowqifka shacabka Somaliland iyo maamulka ka arrimiyaba.
Midowga Afrikana arrinta Somaliland waa inuu si gaar ah u wajahaa.

Masuuliyadda ugu weyn ee AU ictiraaf looga raadinayo Somaliland inay saaran tahay shacabka Somaliland.

Inay shacabka Somaliland ay dadaalladooda ictiraaf raadintana ay beesha caalamka gaadhsiiyaan si rabitaanka shacabka uu u fulo.

Inay shacabka Somaliland dhaqalahooda meel isugu geeyaan si ay gacan uga geystaan dhibaatooyinka bulshada saameeya sida dadka soo barakacay ama qoxootiga ka soo laabtay.

Ugu dambayn, guddigu waxay soo jeediyeen, “Maadaama ay dhici karto Muqdisho iyo Hargeisa inay isku dhacaan ay AU abuuraan wadahadallo ay labada dhinac xidhiidhkooda muhiimka ah ku wanaajinayaan. Dadaalkaasina wa in sida ugu dhaqsaha badan loo qaadaa.”

Warbixinta waxa qoray Axmed Adam