“Dawladnimada Somaliland waxay ku mudnaaneysa sida Ciidamada Qaranku Ammniga u sugaan”Taliya DDS

Hargeysa -(Berberanews)-Taliyaha guud ee ciidanka New Polis-ka DDS, General Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in waxa dawladdnimda Somaliland ay ku mudnaaneysa ay tahay hadba sida ay u shaqeeyaan ciidamadeeda Qaranku, isla markaana ay ammaanka u sugaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti ay si isku mid ah uga shaqeeyan ilaalinta abniga, maadama ay xudud dheer wadaagaan.

General Maxamed Xaaji isaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafladda ciidanka Qaranka Somaliland waannu soo dhaweynayna, mar haddii ILLAAHEY maanta nabad nagu keenay oo na soo gaadhsiiyay.

Waxaan salaamayaa Jeneral Taani, wada shaqeynta aagga Itoobiya ilaa Jabuuti iyo Somaliland sida aannu u wada shaqeyno, nabadgelyada uga shaqeeyeen. 

Haddana in la sii wado oo nabadgelyada Geeskeenna aan ka shaqeyno, walaaltinimada aan muujinno.

Dawladdnimada Somaliland waxa ay ku mudnaanaysaa ama ku taagnaaneysaa sida ay ciidammada Qaranka Somaliland u shaqeeyaan, annaguna aannu kala shaqeyno xuduudda dheer ee labada dal u dhaxeysa,” ayuu yidhi Jeneraal Xaaji.

Berberanews.com
Info@berberanews.com