Hargeysa: Kulan lagu heshiisiiyey Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi

Hargeysa -(Berberanews)-Waxa magaalada Hargeysa ka dhacay xalay kulan ku dhexmaray siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasadda Somaliland, gaar ahaan xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo xisbigeeda KULMIYE.

Kulanka oo ahaa qarsoodi ayaa dhexmaray siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Ilo xogogaal ah oo kulankaas diirrada ku hayey yaa weriyey in lagu heshiisiinayey siyaasi Xaashi iyo Wasiir Kaahin oo hore isugu seegay arrimaha iyo xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, isla markaana hirdan siyaasadeed uga dhexeeyey dumaasha Xisbul-xaakimka.

Xogaha ayaa tibaaxay in lagu heshiisiiyey labada masuul, isla markaana iska shaafiyeen wixii ay kala tirsanayeen oo ay u midoobaan xaaladda siyaasadeed ee dalka oo xaraaradeedu xoogeysatay imminka.
Kulanka waxa goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Cabdikariin Xinnif, Baashe Cawil safiirkii hore ee dalka Kenya, Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka Dastuurka.

Ma cadda waxayaabaha lagu heshiiyey, balse waxay wararku tibaaxayaan in laysla qaatay midow siyaasadeed iyo in Maxamuud Xaashi kalka siyaasadeed ee KULMIYE loo banneeyo.
Hase yeeshee, warar kale oo la xidhiidha kulankaas ayaa tibaaxay in siyaasiga Maxamuud Xaashi uu aqbalay inuu kalkan guddoomiyenimada KULMIYE ku dhiso Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed.