Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland oo sii daayay maxbuus 20 sanno ku xidhnaa Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaar ka mida dadka muwaaddiniinta ah ee reer Somaliland oo iskaashanaya, ayaa ku guuleystay sii daynta Ibraahim Aadan Maxamed (Baydhabo), oo muddo 20 sanno ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuuskan ayaa loo haystay magta dil uu u geystay marxuun kale, muddo  hadda laga joogo 20 sanno.

Caaqil Cabdalla Iskoor oo ah maxbuuska odaygiisa ayaa Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay siidaynta maxbuuskani uga mahad celiyay.
Ibraahim  Aadan Maxamed (Baydhabo) oo ah maxbuuska 20-ka sanno ku xidhnaa xabsiga dhexe ee laga bixiyay magdhawgii loo haystay ayaa sheegay in uu hadda ka hor quustaagna waxaannu yidhi. “Waxaan ahaa maxbuuskii xabsiga ku xidhna jeelka magaalada Hargeysa ee dilka loo haystay, ee 20-ka sano iyo dheeradka nolosha adduunyada waan ka quustay ILLAAHEY ayaa dadkiinan ii soo diray aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa.”

Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland, marwo Waris Abshir Diiriye ayaa sheegtay in aanay ka Komishan ahaan sidaasi kaga hadhayn arrinta Ibraahim, balse ay qayb mihiim ka qaadanayaan sidii uu dalkiisii hooyo ugu noqon lahaa.
“Ibraahim waxa aan leeyahay, hawshii maanta ku dhammaatay ee waliba la rabo in waddankaagii dib laguugu celiyo iyo hooyada sidii ay ku arki lahayd 20 sanno aan ku arkin ee ka quusatay, ee waliba dhimasho niyaysatay.”

Guddoomiyaha  Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland mudane Maxamed Baaruud Cali oo isna goobtaas ka hadlay ayaa yidhi:  “Dhibta ugu badan waxa nagu haya waa dadka aan lahayn cid u hadasha ama cid wax u soo ururisa, adduunyadii ILLAAHEY ka quusatay maanta waadiga u soo baxay, nolol labaad ayuu ILLAAHEY ku siiyay, nolol tacabkeeda u baahan ayaad geli.”

Ma aha u horreysay ee sidan oo kale sii dayntiisa ay ugu guuleystaan Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland, balse waxa jirtay maxaabiis badan oo sidan oo kale ay uga bixiyeen magdhawgii iyo daymihii lagu lahaa iyaga oo kaashanaya dadka muwaaddiniinta ah ee ILLAAHEY dartii wax ula baxa.