Madaxweyne Biixi oo ku dhawaaqay baaq dadweyne lagu dalbanayo aqoonsiga Somaliland

Hargeysa  -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa ku dhawaaqay saxeexa baaq dadweyne ballaadhan oo ay shacabka dalkiisu adduun-weynaha kaga dalbanayaan aqoonsi caalami ah.
Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey shirka toddobaadlaha ah ee Golihiis Wasiirrada ee maanta, ayaa lagu go’aamiyey in shacabka Somaliland ay saxeexaan hal milyan oo codsi oo aqoonsi lagaga dalbanayo Qarammada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhan.
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta la wadaagay qodobbada ka soo baxay shirka, ayaa sheegay in goluhu go’aamiyey in codsi bulsho oo aqoonsiga lagu baadi doono.
“Golaha xukuumaddu waxa uu go’aamiyey in shacabka Somaliland ay sameeyaan arji ama codsi ay u dirayaan hay’adaha caalamka ee ay kow ka tahay Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururrada kale ee caalamiga ah,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.
Waxa kale oo Madaxweyne Muuse uu ka codsaday shacabka reer Somaliland in ay degdeg ah u soo dhammaystiraan saxeexa baaqa codsiyada lagu dalbanayo ictiraafka si loogu gudbiyo ururrada iyo dawladaha caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi waxa uu si weyn ugu mahadceliyey xildhibaannada Baarlamaanka Ingiriiska ee Golaha Westminister horgeeyey dooddii qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga digay dawladda taagta daran ee Soomaaliya inay ku mashquusho joojinta dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid  abuuraysa cadaawad iyo cadho lagu sii kala fogaado.

Berberanews.com
Info@berberanews.com