Koobka Qarammada Afrika: Ethiopia VS Burkina Faso 1-1

Cayaaro-(Berberanews)-Burkina Faso ayaa xaqiijisatay kaalinta labaad ee Group A ee koobka Qaramada Afrika, kadib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Itoobiya.

Cyrille Bayala ayaa daqiiqadii 25-aad gool ku laad u dhaliyay goolhaye Teklemariam Shanko isaga oo hogaanka u dhiibay kooxda Stallions.

Kabtanka Ethiopia Getaneh Kebede ayaa u barbareeyay rigoore todobo daqiiqo kadib qeybtii nasashada ka dib markii Steeve Yago lagu ciqaabay kubad gacan ah. Burkina Faso ayaa wajihi doonta kooxda labaad ee kusoo baxday Group C – midkood Morocco, Gabon ama Ghana – wareega 16ka Axada.

Burkinabe iyo Cape Verde ayaa labaduba ku soo baxay afar dhibcood oo ay ku jiraan Group A, laakiin Stallions ayaa ku soo baxday kaalinta labaad iyagoo ku jira rikoosh fool ka fool ah.

Xulka qaranka Cameroon ayaa ku soo baxay kaalinta 1-aad ee Group-ka iyaga oo leh 7 dhibcood kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda Cape Verde iyada oo ay Itoobiya ugu hoosayso hal dhibic.


Berberanews.com
Info@berberanews.com