Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxaya Itoobiya

Hargeysa -(Berberanews)- Ilo wareedyo mihiim ah oo ku kala sugan Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ay safar ugu bixi doonaan dalka Itoobiya maalmaha soo socda, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Sida lagu baahiyey mareegta qaranews.com, martiqaadka weftiga madaxweynaha Somaliland ku tegayo Addis Ababa xilligani waxa uu ka yimi dhanka dawladda Itoobiya.
Ilaa hadda si cad looma oga waxyaabaha Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya doonayo inuu kala hadlo madaxweynaha Somaliland.
Dhanka kale, waxa jira dareen shacab iyo mid dawladeed oo ay reer Somaliland ka qabaan xukuumadda Abi Ahmed oo ay u arkaan inuu si toos ah ula safan yahay dawladda dalka Soomaaliya oo ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay 30 sanno ka hor, isagoo madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee maamulka Muqdisho aannu arrimahaasi qarsanba oo uu goobo badan ka sheegay inuu Somaliland ka soo xidhay xidhiidhkii ay la lahayd dalka Itoobiya.
Dawladda Somaliland ayaa si buuxda u sugtay amniga xuduudka dalkeedu la wadaago waddanka Itoobiya, iyagoo shacabka labada dal si nabad ah isu dhexmara, taas oo uu kow ka yahay ganacsiga u kala gudba.