Al-shabaab oo weerar ku dilay askar ka tirsanaa booliska Kenya

Lamu -(Berbetanews)-Kenya – Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidammada booliska ee dalka Kenya ayaa lagu dilay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, kadib markii dagaalyanno ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen gaadhi ay saarnaayeen ciidammada oo isaga kala gooshayey deegaanno ka tirsan Ismaamulka Gobolka Lamu ee dalkaas barqadii Jimcaha maanta.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay dawladda Kenya bandoo ku soo rogtay deegaannada LAMU maalintii Arbacadii, kadib weerarro kala duwan oo Al-shabaab ka fuliyeen toddobaadkii hore.