Itoobiya: TPLF oo weerarro cusub Ku qaaday qaybo ka mid ah Deegaanka Canfarta

Maqalle – Kooxda TPLF ayaa weerarro cusub waxay ku qaadeen qaybo ka mid ah degaanka Canfarta, sida uu warbaahinta u sheegay masuul u hadlay dowlad degaanka Canfarta.
Weerarkan ayey kooxda TPLF ku qaadday magaalada Cabcala oo u dhaw magaalo madaxda degaanka Tigray ee Maqalle, wuxuuna masuulka u hadlay Canfarta sheegay in weeraradaas oo ahaa kuwo culus ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah, isla markaana shacab badan ku barakaceen.
Dhanka TPLF ma jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay, oo ku saabsan weerarka la sheegay inay ku qaadeen degaanka Canfarta.
Degaanka Canfarta waxa uu xuduud la wadaagaa Gobolka Tigray, wuxuuna ka mid yahay degaanka Canfarta goobihii ay sida ba’an ugu dagaallameen ciidammada dawladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, isagoo maalmahan kasoo kabanayay burburkii ka soo gaadhay dagaalkaas.