Rooble oo faray ciidammada inay isaga ka amar qaataan

Muqdisho-(Berberanews)- Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa faray dhammaan ciidammada kala duwan inay isaga keliya ka amar qaataan, kadib markii ciidan Farmaajo ka amar qaataa ka horjoogsadeen inuu galo xafiiskiisa Villa Somalia ee magaalada Muqdisho saaka.
Mr. Rooble oo ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan isaga iyo madaxweynaha, ayaa sheegay in ujeeddada Farmaajo tahay inuu carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo “si sharci darro ah.”
Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay dhammaan ciidammada qalabka sida inay isaga si toos ah uga amar qaataan, isaga oo ku hanjabay cid kasta oo amarkaasi ka hortimaad inay si degdeg ah ula tiigsan doonaan sharciga.
“Waxaan farayaa dhammaan ciidammada qalabka sida inay si toos ah uga amar qaatan xafiiska ra’iisal wasaaraha.”
Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaare Maxamad Xuseen Rooble, ayaa ciidanka ilaalada koofiyad casta ee waardiyeysa Madaxtooyada Muqdisho ka horistaageen inuu galo xafiiska saaka subaxdii.
Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha millatariga iyo booliska ee dawladda Federaalka ayaa lagu guuleystay in ciidanka xafiiska Rooble laga kexeeyo.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa isaguna dhankiisa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu soo faragaliyey shaqadiisa, isla maraakana uu ciidan soo dhoobay xafiiskiisa.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyey Ra’isul Wasaaraha saqdii dhexe ee xalay.
Safiirrada reer galbeedka ee Muqdisho fadhiya ayaa ka digaya in xiisadda taagan loo beddelo gacan-ka-hadal, iyagoo dalbaday in degdeg ciidankii la dhigay xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha looga qaado