Tartam ciyaareedka Horyaalka Gobollada oo Berbera lagu qabanayo

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali ayaa ka hadlay waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabmayo tartanka horyaallada Somaliland oo lagu qabanayo magaalada Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil.

Fu’aad Axmed Cali guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday in tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ay ka qayb galayaan dhamaan kooxihii kusoo guuleystay tartanadii kala duwanaa ee ka qabsoomay gobollada Somaliland Bishan aynu ku guda jirno ee December 27-keeda, kaasoo ka dhici doona magaalada Berbera ee caasimadda gobolka Saaxil.

 “Waxa uu tartanka horyaalka horyaallada Somaliland uu bilaabmayaa 27-ka December, ciyaarta ugu horeysa waxa lagu furayaa oo wada ciyaaraya kooxaha Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Kooxda Maaliyadda ee Burco.” ayuu guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa la filayaa inuu si rasmiya u furo tartanka.

Dawladda Hoose ee Berbera ayaa hawl dayactir iyo qurxin ballaadhan la waday maalmahanba Garroonka Cabdalla Stadium ee magaalada, oo isu diyaarinaya in lagu qabto.

Berberanewa.com
Info@berberanews.com

“.