Muqdisho: Qiimaha Hubka Iyo Rasaasta Oo Mar Keliya Qaaliyoobay

Muqdisho-(Berberanews)-Qiimaha hubka iyo rasaasta kala duwan ee Somalia, ayaa sare u kac weyn sameeyay muddooyinkii u danbeeyay, iyadoo Somalia isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha.

Isbadalka Qiimaha:

AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda suuqa waxaa uu ka joogaa $1,100

AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaadhay ilaa $1,700

Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000

Qoriga Dhashiike  halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000

Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaadhay ilaa $15,000

Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaadhay ilaa $1,600

Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaadhay ilaa $2,500

Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500

Baskoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaadhay ilaa $1,200

Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaadhay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray  $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Dhashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaasta Suugga oo halkii xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaadhay $20 halka Rasaasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180.

Xigasho: Caasimadda