Ninkii Ikhtiraacay qoriga caanka ah ee AK47 Mikhail Kalashnikov oo geeriyooday

RUSSIA(berberanews) Ninkii sameeyay qoriga caanka ah ee AK47 Mikhail Kalashnikov ayaa geeriyooday isaga oo 94 jir.
Kalashnikov waxa uu ku dhashay saboolnimo sanadkii 1919, dhulka buuraleyda fog ah ee Atlai ee Ruushka.
images
Waxa uu ka mid ahaa 17 caruur ah oo qoyskuudu lahaa.
Kalashnikov qorigiisa waxa uu noqday qori shaqsiyeedka rasmiga ah ee dalkii Midowgii Sofiyeeti iyo ciidanka Ruushka markii danbe.
Malaayiin qori oo naqshadiisa laga sameeyay ayaa adduunka laga soo saaray ilaa markaasi.
Qorigiisa AK47 waxa uu noqday mid ka mid ah kuwa caansan caalamka. Laakiin Lacag badan kama sameyn, waxaana mar laga soo xigtay isaga oo yiri waxaa dhaqaale
ahaan ii wanaagsanaan lahayd anigoo sameeya mashiinka geedaha lagu jaro.
Qoriga AK47 waxa qaatay ciidamada dalal fara badan, waxaana qaarkood uu ku jiraa calankooda.
Kalashnikov waxa uu ahaa 94 jir
ak47
 
Waxa uu calaamad u noqday kacaanka meelo badan oo dunida ka mid ah.
Waxaa lagu arkay qorigan AK47 4ee uu soo saaray isaga oo lagu dagaallamayo, qaabab kala duwan dalalka Angola, Vietnam, Algeria iyo Afghanistan.
Waxaa sidoo kale si xoog leh u isticmaala kooxaha Falastiiniyiinta, waxaa lagu arkay isagoo ku jira oo aad loogu xasuustaa gacmaha Osama Bin Laden.
Waxaa looga yeeray ciidamadii Red Army sanadkii 1938, naqshaddiisa Ayaana loo isticmaali jiray in hubka lagu horumariyo.
 
Mikhail Kalashnikov waxa uu soo saaray qoriga caanka ah ee AK47
Waxa uu qorigan sameeyay markii uu weydiiyay nin ay askarta iskula jireen waxa ay Ruushku ula imaan waayeen qori u babac dhigi kara kuwa ay isticmaali jireen Germany.
Waxaa la dhameystiray oo uu sameeyay qoriga 1947, laba sano kadibna qoriga waxa uu rasmi ka noqday ciidanka Sofiyeetiga.
Kalashnikov waxa uu sii watay shaqada ilaa uu ka gaaray da’da Sideetameeyo oo uu naqshadiistaha ugu weyn ka ahaa shirkadda Izhevsk oo ahayd tii qoriga lagu sameeyay AK47 arkii ugu horreysay.
Waxa uu uu qaatay dhawr abaalmarin oo ay ku jiraan Amarkaii Lenin iyo Halyeygii Shuuciga
berberanews-Dick
hargeaysa/somaliland