Wefti Safiirro iyo Diblomaasiyiin ah oo Socdaal ku Yimi Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Wefti culus oo isugu jira safiirro diblomaasiyiin ka socda waddamada Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera hannaanka dimoqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa gaadhay caasimadda Hargeysa maalintii Isniinta.
Weftiga oo ay hoggaaminayso  Safiirka Midowga Yurub ee dalka Kenya, isla markaana xubno ka yihiin Safiirka Sweden ee Nairobi iyo diblomaasiyiin kale oo reer Galbeed ah,  waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.
Ujeeddada socdaalka weftiga oo maalmo joogi doona Somaliland, ayaa la sheegay inay la xidhiidho hawlaha doorashada madaxtooyada oo u muddaysan inay qabsoonto dabayaaqada sannadka 2022-ka.
Weftigu waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxda sare ee xukuumadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka Somaliland.

Info@berberanews.com