Caafimaadka Madaxweynihii Georgia ee cuntada ka soomay oo laga dayriyay

Georgia-(Berberanews)-Mikheil Saakashvili, madaxweynihii hore ee Georgia,, ayaa ku jira “xaalad halis ah” oo aan lahayn daryeel caafimaad oo habboon, sida uu sheegay wakiilka xuquuqda aadanaha ee dalka.

Saakashvili, oo cuntada ka soomay xabsiga in ka badan hal bil iyo badh, ayaa laga yaabaa inay dhawaan la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, Difaacayaasha xuquuqda Dadweynaha ee Georgia ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay.

Kuwaas waxaa ka mid ah suurtagalnimada shaqada wadnaha oo gaabis noqota, dhiig-baxa caloosha iyo koomo, ayay kooxdu tidhi.

“Maadaama xaaladda bukaanku ay halis tahay, waxaa si dhakhso ah lagula talinayaa in sii wado daawaynta gudaha cisbitaal shaqeynaya oo khibrad wanaagsan leh…, gaar ahaan qaybta daryeelka degdegga ah,” ayuu yidhaahdeen Difaacahayaasha xuquuqda Dadweynaha.

Saakashvili, oo madax ka ahaa dalka Caucasus intii u dhaxaysay 2004 iyo 2013, ayaa muddo 48 maalmood ah diidayay cunto, si uu uga mudaaharaado xadhigiisa 1-dii October, wax yar uun ka dib markii uu musaafuris kaga soo laabtay Ukraine.

Todobaadki hore, waxaa loo raray cisbitaalka xabsiga ah oo ay taageerayaashu sheegeen in uu ku guuldareystay inuu daboolo baahidiisa caafimaad.

Khubarada booqatay xaruntan ayaa soo gebagebeeyey baadhitaankooda in aanay buuxin karin shuruudaha 53-jirkan, oo ay ku jirto baahoda in baadhitaan lagu sameeyo qalab casri ah.