Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Dhaliilay Muddo Kordhintii Guurtidu U Samaysay Xukumadda Iyo Golaha Wakiillada

(Berbera news) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa dhaliilay muddo-kordhinta ay dhawaan Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda iyo weliba Wakiillada, waxana aad u cambaareeyey muddo-kordhimaha soo laa-laabanaya ee Guurtidu caadada ka dhigatay.
Maxamed Xaashi oo ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo dhaliilaha guurtida waxa ku lammaaneeyey cambaarayn kale oo uu jeediyey xukuumadda iyo weliba golaha wakiillada oo uu sheegay in ujeeddadoodu ku egtahay mushaharaadka ay qaataan.
Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo dhaliilahan Xukuumadda, goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada taxaya, ayaa waxa uu yidhi, “Marka uu Madaxweynuhu muddo-kordhin soo qorto Guurtidu way la boodayaan, Wakiilladuna way ka aamusaan, waayo saddexduba waxa ay ku heshiis yihiin mushaharkaas yar ee ay qaadanayaan baa kala weyn danihii umadda, muddo-kordhintan ay daba socdaanna xilkoodii baan cidina kula xisaabtamaynin.”
Waxa uu sheegay inuu meesha ka baxay isla-xisaabtankii fulinta iyo xeer dejintu, isla-markaana ay dabar go’een qoor-weyntii guurtida ee samo-taliska ahayd, “Baarlamaankii dawladda la xisaabtami lahaa baa meesha ka baxay, guurtidiina maba joogaan odayaashii la doortay oo waxba kama hadhin, 11-baa ka hadhay oo Shan baa ka caafimaad qabta, inay guurti jirtona maba aha, waayo ilaa intii la sameeyey dhibaato mooyaane wax khayr ah oo ay keeneen ma jirto, intii aynu miyiga joognay ee aynu dagaallada ku jirney way fiicnaayeen, laakiin marka ay madaxweynaha arkaan waxoodu waa ka kac,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay inaanay hay’adaha kala duwan ee qaranku danaynaynin dhibaatada abaareed ee bulshada haysta, isla-markaana ay eexaysanayaan mushaharka ay qaadanayaan, waxana uu yidhi, “Guurtida, Xukuumadda iyo wakiilladu waxa ay ku heshiis yihiin mushaharkaas ay qaadanayaan inay kordhistaan sharci iyo shaci-daroba, abaaraha ina haya oo dadkii baa bakhtiyaya muddo-kordhiskanina waxba kama tarayo.”
Waxa uu soo jeediyey maadaama xaalad abaareed lagu jiro in tirada golaha wasiirrada hoos loo dhigo tirada badan ee golaha wasiirrada iyo dadka kale ee lacagaha aan muhiimka ahayn iska qaata, “Fasahaadka lagu jiro waa in la dhimo oo Toddobaatankan wasiir iyo inta xil-sugee la yidhaahdo ee aan xafiis lahayn ee mushaharka qaata iyo la-taliye ee aan Odaygaba arag  la dhimo ayey ahayd oo wixii kasoo baxa umadda wax loogu qabto ayey ahayd” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
 
 
Berbera news.